Xisbiga Waddani Iyo Kooxdii Isbaahaysiga Ee Ku Biirtay Oo Wali Xafladaynaya Iyo Reer Kulmiye Oo Isabaabulaya
October 13, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)–Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hadhimo sharafeed aad u ballaadhan u sameeyey garabaddii Isbahaysiga dimuqraadi doonka KULMIYE, siyaasiyiintii uu horkacaayey Ismaaciill Hurre Buubaa ee Koonfurta Hargeysa iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan ku waasi oo dhammaantood maalmo ka hor ku soo biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
Kulankan oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiye Cirro, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii ay isu baran lahaayeen siyaasiyiintii dhawaan ku soo biiray Xisbiga iyo weli ba xubnaha hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxa kale oo ujeedka kulankani uu daarnaa siddii la iskaga xog-waraysan lahaa hawlaha Xisbiga loo na dar-dar gelin lahaa isku duubnimada iyo wada-shaqeynta Xisbiga si loogga midho dhalliyo hadafka iyo himilada Xisbiga WADDANI.