berberatoday.com
“Bukhaariyoow Ha Ku Mashquulin Wasiirka Daakhiliga Ee Wax Ka Qabo Fidmada Beeshaadu Waddo”Xildhibaan Xasan Cumar
October 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Xasan Cumar Axmed (Xasan-dheere) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa si adag uga difaacay Wasiirka Daakhiliga eedaymo xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale ugu jeediyeen nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaannada degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag dhowaan.

Md. Xasan-dheere oo daba socday eedaymo kala duwan oo ay xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah Golaha Wakiillada iyo xubno kale oo ay isku beel yihiin ugu jeediyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) inuu ku fashilmay hawsha nabadaynta beelaha shaqooyinku ku dhexmareen degaannada Ceel-afweyn, kuwaas oo ku dooday inay saluugsan yihiin go’aamo xukuumaddu hore ugu soo afjartay

Xildhibaan-Xasan-Cumar-Axmed.jpgcolaaddii degaannadaas, ayaa qoraal uu eedaymahaas kaga difaacay wasiirka oo uu saxaafadda u qaybiyey shalay, waxa uu u qornaa sidan:

“Siyaasiyiinta qaranka oo ay ugu horreeyaan wasiirrada iyo xildhibaannadu waxay ummadda uga masuul yihiin in nin walba qoyska uu ka soo jeedo fidmada ka qabto, haddiise nin kastaa qoyskiisa fidmada ku taageero qaranku waa dumayaa.

Haddaba, waxay noogu muuqataa in xildhibaan Bukhaari iyo inta la socotaaba beeshooda ku taageerayaan fidmada. Sidaa darteed, waxaannu kula talinaynaa in beesha ay ka soo jeedaan ay ka qabtaan fidmada, halka ay ka cambaareynayaan masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka aqoonta iyo mustawaha sarreeya inay qoys la saftaan, waxaannu Md. Bukhaari caadeystay inuu masuuliyiinta qaranka wax ka sheego, isagoo shaadh qabiil huwan.

Ugu dambayn, waxaan kula talinayaa xildhibaan Bukhaari iyo xubnaha kale beeshiisa in aanay ku mashquulin Wasiir Faratoon iyo wasaaraddiisa, taas beddelkeedana looga baahan yahay inay wax ka qabtaan xadgudubyada iyo fidmada beeshoodu ku kacayso.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews