berberatoday.com
Dagaalkii Gaalkacyo Oo Istaagey Gabaldhicii Khamiista. Xagee Ciidamadu Kala Joogaa?
October 14, 2016 - Written by Berbera Today

Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Waxaa gabaldhicii Khamiista istaagey dagaalkii aadka u xooganaa ee maanta ka dhacay duleedka Gaalkacyo kaas oo saameyn ku yeeshay xaafadaha qaarkood.

taangiga

Dagaalka ayaa subaxnimadii hore ku bilowdey si teel-teel ah iyo madaafiic la is-dhaafsadey, kadib waxa uu xoogeystey gelinkii danbe ee maanta kaas oo gaarey in la isu adeegsadey hub aad u culus oo magaalada dhawaaqiisa aad looga maqlaayey.

Khariidada Gaalkacyo ee dagaalka iyo goobaha la kala joogo

Khariidada Gaalkacyo ee dagaalka iyo goobaha la kala joogo

Ciidanka Puntland oo markii hore difaac ka hayey aaga laga dhisaayo Maxjarka ee Galmudug u diidan tahay in Puntland dhisato ayaa ku ruqaansadey goobaha madaafiicda looga soo tuurayo ee Galmudug, waxana dagaalku noqdey in ay ka qaybgalaan ciidamada hubeysan, Wararka ka imaanaya aaga Puntland ayaa sheegaya in markiiba ay guul ka gaareen oo ka kiciyeen meelihii ay Ciidamada Galmudug fadhiyeen maalmihi u danbeeyey. Ciidamada Galmudug ayaa horey u diyaarsadey ciidamo dhabarjebin ah haddii Puntland ay aagooda ka soo baxaan kuwaas oo isku dayey in ay dhexda gashtaan ciidanka Puntland, laakiin Puntland qudheeda ayaa lahaa ciidamo kale oo ilaalin ah kale oo uu wato Taliye lagu magacaabo Caagadeyste kaas oo si fudud u jiirey ciidankii dhabarjebinta ahaa, waxaana ciidamada Galmudug ku khasbanaadeen in ay dib ugu noqdaan dhisme weyn oo shub ah kaas oo shidaal lagu iibin jirey gawaaridana lagu dhaqo halkaas ayaana gabbalku ugu dumey sida ay sheegayaan warar laga helayo aaga Puntland.

Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ayaan la ogeyn, waxaase la xaqiijinayaa in ay jirto dhimasho iyo dhaawacba labada dhinacba.

Dhanka kale magaalada oo dagaalku ka fogaa ayaa Ciidamada Galmudug rasaasta Hoobiyaha ku garaaceen qaar kamid ah xaafadaha Garsoor waxaana la sheegayaa in waxyeelo ka soo gaartey dad shacab ah.

Puntland oo ka hadashey dagaalka ayaa sheegtey in Ciidamada Dowladda Federaalka ah ay qayb ka yihiin dagaalka, hadalada jees-jeeska ah ee ka soo baxay Dowladda Federaalkuna uu yahay mid sii hurinaya colaada, haddii ciidamo la keenayo Gaalkacyo horeyba waa u joogeen waana kuwa u dagaalamaya Galmudug oo hiilada la garab taagan, mana jirto wax la yiraahdo ciidamo Qaran ee SNA ayaa warka Puntland lagu yiri.

Puntland waxay sheegtey in aysan cidna duulaan ku ahayn waxa ay dhiseysona uu yahay wax bulshada horumar u ah oo dhulkeeda laga dhisaayo, waxaan dooneynaa in aan nabad kuwada noolaano, wax walba oo wanaag ahna waan soo dhaweynynaa ayey Puntland sheegtay.

Galmudug ayaan weli war ka soo saartin dagaalka culus ee maanta dhacay.

Ma jirto wax waan waan ah oo socota maanta, waxaana dhici karta in saacad kasta dagaalku uu dib u qarxo.

Dagaalka ayaa ka dhashey kadib markii Puntland ay dhagax dhigtey todobaadkii hore Maxjar laga dhisaayo duleedka danbe ee xaafadda Garsoor oo ka tirsan Puntland, waxaana Galmudug sheegtey in aan maxjarkaas la dhisi karin, inkasta oo dhulka laga dhisaayo uu yahay mid ay Puntland leedahay.

 

 

Xigasho Horseed Media

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews