Donald Trump oo Wajiyadii U Dambeeyay ee Ololihiisa Ka Dhawaajiyay Inuu U Cadhaysanyahay Saaxibadiisa Jamhuuriga
October 14, 2016 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.net)-Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu si iskiis ah u dhameysan doono todobaadyada ugu danbeeya ee ololahiisa doorashada madaxtinimada.
Isaga oo Arbacadi shalay kula hadlayey gobolka Florida ee koofurbari dalkan Mareykanka, ayuu sheegay Trump inuu aad ugu careysanyahay qaar ka mid ah saaxiibadiisa xisbiga Jamhuuriga.