berberatoday.com
“Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Beeshayda La Siiyey Waan Hambalyeynayaa Waanan Soo Dhaweynayaa, Saameyna Wuu Ku Yeelan Doonaa Xisbiga Kulmiye”Xildhibaan Kijaandhe
October 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha Gobolka Hawd ee xisbiga kulmiye ugu tunka weyn, ayaa ka hadlay sida uu u arko guddoomiyaha xisbiga waddani ee loo ballan qaaday beeshiisa in lagu wareejin doono xubnaha xisbiga waddani kaga jira.

ki

Xildhibaan Kijaandhe oo khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay in ay arrintaasi saamayn ku yeelan karto taageeradii ay beesha gobolka Hawd u hayeen xisbiga talada haya ee Kulmiye, isla markaana ay ka hawl gelayaan in aanay arrintaasi saamayn ku yeelan taageerada xisbiga kulmiye ku leeyahay beesha Arab.

Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, waxa uu sheegay  in uu ku hambalyeynayo guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha xisbiga waddani ee uu ballan qaaday in uu beesha gobolka Hawd ku wareejin doono, isla markaana uu soo dhaweynayo arrintaasi shakhsi ahaan.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Guddoomiyaha isbiga Waddani ee beeshayda la siiyey Waan Hambalyeynayaa waanan soo dhaweynayaa”

Xildhibaan Kijaandhe oo aanu waydiinay in ay saamayn ku yeelan karto taageerada uu xisbiga kulmiye ku leeyahay beesha guddoomiyaha waddani ee la siiyey, waxa uu ku jawaabay

“Taageeradii xisbiga Kulmiye ku lahaana saamayn ayey kollay ku yeelanaysaa, waxaanay ku xidhan tahay siyaasadaha waxyaabo badan arrintaasi, hadaanu nahay kulmiyena waanu isku noqonaynaa oo kollay naga gacan badan maayaan ayaan filayaa” ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.

 

 

Source:- Saxansaxo 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews