Xisbiga Waddani Oo Sheegay Inuu Iscasilaad ka Aqbalay Masuuliyiin Xisbigaas Xilal Kahayay Oo Iscasilay+Akhri Magacyadooda
October 14, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-War hada soo gaadhaya shabakada Berberatoday.com ayaa waxaa uu sheegayaa in gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro uu warqadihii iscasilaada ka aqbalay masuulyiin xisbigaasi Ka Tirsan
Masuulyiintan ayaa waxaa ay kala yahiin Xoghayihii arimaha bulshada Hinda Jaamac Xirsi Gaani , Gudoomiyihii xisbiga Waddani ee Dalka Austria Cabdilaahi Axmed Cali iyo masuul kale oo lagu magacaabo Foosi Cabdilaahi Dirir .
Dhawaan ayey aheyd markii Marwo Hinda Jamaac Gaani ay warbaahinta ka shaacisay in ay gudoomiye ka tahay garab xisbigaasi ka go,ay oo saddex xubnood ahaa isla markaana qaadacay shirka golaha dhexe ee xisbigaasi dhawaan qaban doono .