Habab Cusub Oo Aad Iskaga Ilaalin Karto Cudurka Macaanka Noociisa Labaad
October 14, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa shank a mid ah habab uu dhowaan sheegay Dr. Maxamed Oz in looga hortegi karo cudurka Macaanka oo muddooyinkan dambe si aad ah dunida ugu sii badanaya. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay, soona koobay waxa uu ka soo xigtay shabakadda Webteb oo ka faalloota arrimaha caafimaadka:
Cabbista Bunka: Cilmibaadhis natiijadeedu soo baxday sannadkii 2014ka ayaa lagu ogaaday in qofka oo maalintii cabba 3 illaa 4 koob oo bun ahi ay yaraato cabsida ah in qofkaas uu cudurka Macaanka noociisa labaad ku dhaco. Khubarada caafimaadka ee daraasaddaas samaysay waxa ay sheegeen in aanay waxba ku kala duwanayn marka uu bunku yahay mid Caffeine leh iyo marka uu yahay nooca laga siibay Caffeine ta. Laakiin waxa ay ku taliyeen in bunka laga ilaaliyo ama aad loogu yareeyo sonkorta lagu darayo.