berberatoday.com
Maraykanka Oo Xasuuqii Uu Gal-mudug Ka Geystay Ku Macneeyey Cillad Ku Timi Xarunta Laga Hago Diyaaradahooda Aan Duuliyaha Wadan
October 14, 2016 - Written by Berbera Today

drone

Washington(Berberatoday.com)-Ciiddanka Cirka ee Maraykanka ayaa baadhitaan ku haya cillad weyn oo ku timid Nidaamka Isku-xidhka Kombiyuutarka ee Saldhigga Ciiddanka Cirka ee (Creech Air Force Base) oo Xarun u ah Maskaxda laga hago Hawlgalladda Dilalka ee loo adeegsado Duqeymaha Diyaaradaha Droneska ee laga fuliyo dalalka Caalamka.

Wargeyska Buzz Feed News ayaa ogaaday in Cillad xoogan ku timid Shabakadda Isku-xidhka Kombiyuutarada laga hago Hawlgalladda Dilalka ee ay fuliyaan Droneska, iyadoo Diiwaanka Dowladda Maraykanka ee Qandaraasyadda  lagu muujiyey inay cilladaasi bilaabantay bilowgii bishii hore ee September, isla markaana aan weli la dhamaystiran burburka ku yimid Nidaamka Maskaxeed ee SIPRnet ee laga hago Droneska loo adeegsado Dilalka iyo Duqeymaha.

Waaxda Federalka ee Diiwaanka Qandaraasyadda Maraykjanka ee fbo.gov. ayaa sheegtay in Nidaamka Kombiyuutarada ee ku burburay Saldhigga Ciiddanka Cirka Maraykanka ee Creech oo loo yaqaano SIPRnet yahay nooc ka mid ah Nidaamka Internetka ee gudbin kara Sirdoonka Heerka Qarsoodiga ah, Bar-tilmaameesiga iyo Qabashadda Elektoroonikada.

Saraakiisha Milliteriga Maraykanka waxay kala xaqiijin waayeen in Fashilkaasi khuseeyo cillad Farsamada Gudaha, ama Inay Budhcadda Internetka jabsadeen Nidaamka Isku-xidhka Kombiyuutarada ee laga hago Duqeymaha Droneska.

Afhayeenka Ciiddanka Cirka Maraykanka, Major Malinda Singleton ayaa sheegay inay socdaan Badhitaanka lagu ogaanayo cilladaasi, wuxuuna ka gaabsaday inuu bixiyo Faahfaafin dheeraad ah.

Nidaamka Kombiyuutada ee ku burburay Saldhigga Ciiddanka Cirka Maraykanka ee Creech oo loo yaqaano SIPRnet ayaa ah Nidaam Internetka oo gudbin kara Sirdoonka Heerka Qarsoodiga ah, Bar-tilmaameesiga,  Qabashadda Elektoroonikada.

Saldhigga Ciiddanka Cirka Maraykanka ee Creech oo ku yaalla Gobalka Neveda ayaa loo aqoosaday Wadnaha Barnaamijka Maraykanka ku beegsadaan Dilalka, halkaasi oo ay Duuliyayaasha Ciiddanka Cirka ka hawsl-galaan Hagida Diyaaradaha Hubeysan ee la duuliyo (The armed “remotely piloted aircraft” — drones).

Saldhigaasi ayaa waxaa loo adeegsadaa Khadadka Dayax-gacmeedka ku xidhan Somalia, Syria, Afganistan, Pakistan iyo dalalka kale iyo Gantaalldda Dabka ee lala beegsado xubnaha Al-qacaida ama Daacish.

Cilladda burburka ee Toddobaadyo gudhooda ku timid Saldhigga Ciiddanka Cirka Marayknka ee Creech ayaa waxaa ka dhashay silsilado duqeymo Cirka ah oo ku baxsaday si qaldan, iyadoo dad badan Droneska ku dileen duqeymo ka kala dhacay dalalka Somalia, Syria iyo Afganistan.

Bishii September 17-dii hal isbuuc kadib markii ay Nidaamka Kombiyuutarada laga hago Droneska Maraykanka cillad ku timid, waxaa duqeyn Drones lagu dilay 62 Askari oo u dhashay Syria, kuwaasi oo ku sugnaa Saldhigooda.

Bishan September 28-dii, Duqeymo ay Droneska Maraykanka ka geysteen Somalia waxaa lagu dilay 22 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Dowlad-gobaleedka Galmudug,.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in Dib-u-eegis lagu hayo shilkaasi.

Sidoo kale, Duqeyn ay Droneska Maraykanka isla bishii September 28-dii ka geysteen dalka Afganistan waxaa lagu dilay 15 qof oo rayid ahaa, sida ay sheegtay QM.

Sarkaal ka tirsan Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (ENTCOM) ayaa u sheegay Wargeyska BuzzFeed News in baaritaano lagu hayo Shilalkaasi.

Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia ayaa isagana Wada-hadal ka galay Baadhitanka Duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacayo ee lagu dilay Askar ka tirsan Ciiddanka Galmudug.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews