Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Lagu Weeraray Dalka Ingiriiska Iyo Sababta Keentay Weerarka?
October 14, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Qurba-jooga Habar-jeclo eek u dhaqan cariga dalka Ingiriiska, ayaa weerar dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa xubnihii Wasiiradda ahaa ee raacay Weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo socdaal ku jooga magaalada London
Qaar ka mid ah dadkii joogay kulankii Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Qurba-jooga Habar-jeclo ee London, ayaa ka war-bixiyey qaabka uu u dhacay weerarka lagu qaaday Maxamuud Xaashi Cabdi, kaligii ka joogay weftigii uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Siilaanyo. “Nin lagu magacaabo Cabdiraxiim Cabdi Khaaliq oo Sheekh Bashiir Awoow u yahay ayaa damcay innuu gacan ula tago Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa xubnaha Wasiiradda ee la socday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo. Wakhtigaas kaligii ayuu ahaa Wasiirku oo rag ka mid ah Qurba-jooga Habar-jeclo ayuu si gaar ah ula kulmay kaligii. Waxay ku qabsadeen waxyaabo ay sheegeen innuu gacanta kula jiro ninka Wasiirka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku saabsanaa arrimo ka wada hadleen oo reerka ah. markaa ninkaas wuxuu damcay innuu gacan ula tago oo uu garaaco Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanuu ka cadhaysnaa iskuulka Taariikhda awoowgii ee lagu badelayo nin la sheegay in magaciisa la yidhaahdo Gaadi oo Sacad Muuse ah. Rag badan oo Madax-dhaqmeed iyo odayaal leh oo Habar-jeclo ah ayaa dhawr jeer kala hadlay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi innuu wax ka qabto dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir ee ku yaala magaalada Hargeysa oo xukuumadu iibinayso iyo Goob kale oo la yidhaahdo Golaha madadaalada ee magaalada Burco oo iyana la iibinayo. Ragga damcay inay gacanta u qadaan waxay ka mid ahaayeen mujaahidiintii SNM ee soo gashay magaalada Burco, markaa muddo sanad gudahood ayey iibiyeen laba goobood oo xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo Dugsigahoose/ dhexe ee Sheekh Bashiir. Wasiirka oo fadhiya ayuu damcay innuu gacan ula tago oo uu doonaayey inuu dhulka ugu tuuro, wuxuuna labada indhood kaga tufay cadhuuf. Waxa ka gaadhay niman habar-jeclo ahaa oo ku sugnaa goobta lagu wada hadlayey, haddana dad kale ayaa ku bilaabay, markaa rag ayaa kala cararay goobtii Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.”Sidaa waxa yidhi Cali Saleebaan Maxamuud oo ku sugnaa goobta kulanka ee London oo khadka Telofoonka ugu waramayey Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe.