berberatoday.com
Xaraaraddii WADDANI Iyo KULMIYE Oo Meel Adag Maraysa, Dhoollatusyadii Toddobaadkan Ee Mucaaridka Iyo Kulmiye Oo Maanta Iskugu Yeedhay Cid Kasta Oo Uu Taageero Ku Tuhmayay
October 14, 2016 - Written by Berbera Today
Xaraaraddii WADDANI Iyo KULMIYE Oo Meel Adag Maraysa, Dhoollatusyadii Toddobaadkan Ee Mucaaridka Iyo Kulmiye Oo Maanta Iskugu Yeedhay Cid Kasta Oo Uu Taageero Ku Tuhmayay

KULMIYE Oo Goor Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Hambabaray, Maantana Baadhbaadhanaya Goobo Wakhti Hore Lagu Kala Hagaagay Taageeradooda Iyo Waxgarad Ku Baaqay Inaan Hantida Umadda Kaambayn Loo Adeegsan + Waji Ku Macaash Beelaysan Oo Uu Taageerayaal Cusub Ku Raadinayo

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kadib Dhoolatuskii Todobaadkan Xisbiga Mucaaridka WADDANI ku soo dhaweeyay siyaasiyiintii miisaanka Cuslaa ee Xisbigaasi ku soo biiray ee ay labada cisho u dabaal degayeen,ayaa waxa durba arintaasi aad uga gubtay oo wakhti Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen soo xayt-xaytay Xisbi Xaakimkii Kulmiye,Waxa uu iskugu yeedhay Maanta cid kasta oo uu Taageero ku tuhumayay waxaanay Maanta iskugu imanayaan taageerayaal Beelaysani Huteelka Guuleed ee Hargeysa,kuwaasi oo lagu tusinayo Bulshada inay ka soo jeedaan Deegaanka Gudoomiye Cirro,islamarkaana taageersan yihiin Kulmiye.
Illo-Wareedyo u dhuun daloola Xisbiga Kulmiye ayaa xalay Wargeyska Foore u xaqiijiyay in Xisbiga Kulmiye Maanta Munaasibad ugu qabanayo Huteelka Guuleed ee Magaalada HargeysaTeerayaal si weyn loo soo abaabulay oo ay hor kacayaan Salaadiin iyo masuuliyiin kale. Waxa abaabulka Munaasibaddaasi laga dareemayay Xalay Magaaladda Hargeysa waxaanay qaban qaabiyayaashu qaab beelaysan telefanka ugu sheegayeen inta badan salaadiinta ay garanayaan inay iska soo xaadiriyaan Munaasibadaasi,iyadoo lasheegay in Munaasibadaasi uu Xisbiga Kulmiye jawaab uga dhigayo Dhigiisa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Oo Todobaadkan ina dhaafay xaflado balaadhan u qabtay Siyaasiyiin miisaan culus ku leh Shacabka Somaliland,kuwaasi oo qaarkood ka soo diga rogteen Xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale Waxa xalay uu Xisbigaasi iskugu yeedhay oo uu Munaasibada uu maanta qabanayo ku macsuumay inay fadhiyaan oo ay muuqaalka u qurxiyaan Salaadiinta beelaha Sacad Muuse,Habar Jeclo iyo Kuwa Habaryoonis ah oo la sheegay inay la Socdaa taageerayaal Xisbigaasi soo dhaweeynayo oo ka socda Deegaanka loo yaqaan Go’da Weyn oo ka tirsan Gobolka Saaxil,kuwaasi oo taariikh ahaan taageeri jiray Xisbigii burburay ee UDUB Islamarkaana uu ka soo jeedo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada,Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Xaraarada Xisbiyada WADDANI iyo Kulmiye ayaa meel xun maraysay,waxaana hadda ay gaadhay in Xisbi waliba uu dhinaciisa ku faano inuu taageero ka haysto beesha uu musharaxa xisbiga kale ka soo jeedo,Waxaana sida muuqata Munaasibadani dabka ku sii shidaysaa loolanka iyo dhoolatuska ka dhex istaadhmay Labadan Xisbi,oo ay u sansaan egtahay inay noqon doonaan labada Xisbi ee Sida weyn ugu loolami doona Doorashada Madaxtinimada soo socota.
Waxa jira Qaylo dhaan xoogan oo looga digayo Xisbiga KULMIYE Inuu munaasibadani ku isticmaalo hantida qaranka ee ay umaddu leedahay waxaana si weyn isha ugu haya arintaasi Axsaabta Mucaaridka iyo Shacabka Somaliland oo aad ula socda Qaabka dhaqaale ee loo maamulayo Munaasibadaha bilawga ah ee KULMIYE Qabanayo muddooyinkii ugu dambeeyey. Warar xalay xiligii dambe nasoo gaadhay ayaa daaha ka rogay in inta baddan Salaadiinta Sacad Muuse ay diideen inay ka soo qayb galaan Munaasibada maanta Kulmiye Qabsanayo,iyagoo sheegay inay fool xumo tahay in marka Dayr ku soo ciiro uun Kulmiye u baaqayo, taasina ay ceeb ku tahay sumcada iyo Karaamada odayaasha Dhaqanka.
Xafladda maanta la filayo in KULMIYE qabsado ayaa la filayaa in uu ku urursado kooxo ka soo jeeda deegaamada uu ka soo jeedo Guddoomiyaha WADDANI oo inta badan ah goobo laga taageero xisbiga WADDANI.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews