berberatoday.com
20 Xaqiiqo Oo Layaab Leh Oo Xiiso Badan Inta Badanna Aanay Dunidu Ka War Hayn Oo La Xidhiidha Waddanka Jarmalka Iyo Dadkiisa
October 15, 2016 - Written by Berbera Today
20 Xaqiiqo Oo Layaab Leh Oo Xiiso Badan Inta Badanna Aanay Dunidu  Ka War Hayn Oo La Xidhiidha Waddanka Jarmalka Iyo DadkiisaGermany(Berberatoday.com)-Waddanka Jarmalka oo ka mid ah dalalka adduunka ugu horumarsan dhinacyada dhaqaalaha, tiknoolajiyada, aqoonta iyo awoodda siyaasadeed iyo Milatari ayaa ka mid ah dalalka qaaradda Yurub ee taariikhda weyn dunida ku leh iyo saamaynta badan. Qormadan kooban waxa aan ku eegi doonaa 20 Arrimood oo xiiso badan oo aad ogaalkaaga ku darsan doonto oo ku saabsan waddanka Jarmalka waxaanay kala yihiin:

1. Tirada shacabka waddanka Jarmalku waxa ay maraysaa in ka badan 81 Malyuun oo qof, waxaana lagu tiriyaa waddanka Jarmalka dalka ugu dadka badan dawladaha ku bahoobay Midawga Yurub.
2. Bedka iyo dhulka ay ku fadhidu caasimadda waddanka Jarmalka ee Berlin waxa ay 9 jeer ku laban laabantaa oo ka weyn tahay bedka ay ku fadhido caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris, waxaanay Berlin tahay magaalada labaad ee ugu biriijyo badan qaaradda Yurub marka laga yimaad magaalada Buntukia ee dalka Talyaaniga.
3. Xasuuqii caanka ahaa ee loo yaqaanay Holocaust waxa dalka Jarmalka iyo Austria ay noqonayaan 17-ka waddan ee looga aqoonsaday xasuuqaasi gabood-falo ka dhana aadamaha.
4. Arrinka layaabka leh, waddanka Jarmalka wax ciqaab ah ama sharci ahi ugama yaallo maxbuuska ka baxsada xabsigii uu ku xidhnaa, kaasi oo haddii suuqa ama meel lagu arko isaga oo ka soo baxsaday xabsi laguma celiyo wax sharci ahina ugama yaallo oo lagu ciqaab mariyaa.
5. Majaladdii Adduunka ugu horraysay ee laga soo saaro marka laga yimaad wargeysyada kale ee caadiga ah waxa laga soo saaray markii ugu horraysay dalka Jarmalka waxaanay soo baxday sannadkii 1663.
6. Markii dalkaasi Jarmalku kasoo laabtay dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee adduunka waxa dalkaasi Jarmalka ka dhacday rag la’aan oo tiradii ragga ayaa aad u yaraatay maadaama ay labadaasi dagaal rag badani kaga le’deen taasina waxa ay keentay dhibaato xagga guurka ah iyo in haweenkii rag beelaan taasina sababtay in saddexdii haween ahba hal nin ku soo hagaago.
7. Dalka Jarmalka marka gaadhigu marayo jidadka waaweyn ee xawaaraha lagu socdo haddii shidaalku kaa dhammaado wax ciqaab ah ma laha ninka wadaha ahi oo sharci kama yaallo si ka duwan sida dalal badan oo hore u maray oo ay dambi tahay in gaadhigu kaaga shidaal beelo jid weyn.
8. Intii u dhaxaysay sannadihii 1989-kii Illaa 2009 waxa dalkaasi Jarmalka albaabada la isugu dhuftay oo la xidhay in ka badan 2000 (Laba Kun) oo Dugsi waxbarasho kadib markii ay yaraatay tirada ubadka dalkaasi. Waalidiinta Jarmalka oo iskaba daayay in ay ubad dhalaan ama tiro aad u yar dhalaan ayaa sababtay in ubad yaraani ka dhacdo Jarmalka.
9. Tirada dadka Jarmalka ayaa si weyn hoos ugu dhacaysa sannadihii ugu dambeeyey waxaana celcelis ahaan tobankii sano ee ugu dambeeyey ay laba Milyan oo qof ka dhinmeen tiradii dadka Jarmalka ah ee asalka ah marka laga yimaad dadka soo galootiga ah.
10. Magaalada Humburg ee dalka Jarmalka waxaa loogu magac daray Hamburger ka la cuno maadaama dadka magaaladaasi ku nooli ahaayeen kuwii soo saaray farsamaynta Hambergerka la cuno.
11. Sannadkii 2014 Waddanka Jarmalku waxa uu joojiyey lacagihii fiiga ahaa ee laga qaadi jiray waxbarashada jaamacadda xataa dadka ajaanibka ah ayaa laga dhaafay oo bilaash looga dhigay aqoonta jaamacadaha.
12. Intii lagu guda jiray dagaalkii labaad ee adduunka waxa dalkaasi lagu kufsaday in ka badan Laba Malyuun oo haween ah oo da’doodu u dhaxayso 13-jir Illaa 70-jir kuwaasi oo ay kufsi u gaysteen ciidamadii Casaa ee Ruushku (Jayshul Al-axmar).
13. Sannad walba waxa dalka Jarmalka laga soo saaraa in ka badan 5500 oo qunbuladood ama walxo qarxa ah oo ah hadhaagii hubkii lagu riday dalka Jarmalka ama lagu isticmaalay dagaaliii labaad ee adduunka, taasoo celcelis ahaan ka dhigaysa in dalkaasi Jarmalka maalin walba laga soo saaro ugu yaraan 15 Qunbuladood.
14. Sharaabka FANTA loo yaqaano waxa laga bilaabay in laga isticmaalo markii ugu horraysay adduunka dalka Jarmalka kadib markii uu yaraaday midhaha laga sameeyo sharaabka Cocacola oo wakhtigaasi dunida aad looga cabi jiray balse aan wakhtigaasi ka hor laga aqoon FANTA.
15. Ma Ogtahay ciyaarta Miiska ee Tennis ta in uu hindisay nin Jarmal ahi. Markii dambena ay ku fiday ciyaartaasi dalalka Asia gaar ahaan China.
16. Dagaalkii labaad ee adduunku markii uu socday Guri Jarmalka ku yaalla oo ay ku shirayeen Boqorkii Ingiriiska, Qaysarkii Ruushka iyo Imbaraadoorkii Jarmalku waxa ku habsaday gantaal diyaarad laga soo tuuray oo dhulka la simay gurigii ay ku sugnaayeen balse waxa layaab nooqtay in ay dhammaan ka badbaadeen saddexdii hogaamiyeba.
17. Xiddiga kubadda cagta Jarmalka ee Mascuud Ozil waxa uu tabarucaad ku bixiyey lacag 3-kun oo Euroah oo ka mid ahayd lacago uu helay habeenkii koobka adduunka ay qaadeen 2014, isaga oo lacagtaasi siiyey saddex caruur ah oo loo samaynayay qalliin caafimaad dalka Brazil ee koobku ka socday.
18. Tirada askartii Jarmalka ahayd lagaga dilay dagaal kali ah oo loo yaqaano duullaankii Stalingrad ayaa ka badan inta dalka Maraykanka kaga dhimatay dhammaan intii sanadood ee uu socday dagaalkii labaad ee adduunku.
19. Dalka Jarmalka waxa jira nidaam loo raaco magac bixinta ubadka yaryar marka ay dhashaan.
20. Salaantii ay isticmaali jiren Naasigii Jarmalku, wakhtigan dalkaasi waa ka mamnuuc in la isku salaamaa, sannad walbana dalkaasi waxa lagu xidhxidhaa dadka u salaamaya sidii naasiga oo ah gacanta la fidiyo ee sidaa loo yuubo ee dadka lagu jeediyo. Waxaana dalkaasi ka yaalla sharci ah saddex sano oo xadhig ah qofkii lagu qabto isaga oo dadka u salaamaya sidii naasiga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews