berberatoday.com
“Cabdiqaadir Jirde Waa Nin Aan Ku Kalsoonahay Waana Nin Aan Aaminsanahay Inuu Wax Badan Ka Tari Karo Meel Kasta Oo Uu Ku Biro Mujaahid Xasan Ciise Jaamac
October 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo laysku raacay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

 xasan ciise

Xasan Ciise Jaamac ayaa dhambaal uuay soo saaray wuxuu ku soo dhaweeyay in Cabdiqaadir noqdo guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Waatan maanta [shalay] xaflada lagu qabtay Ambassador ee ay isku afgarteen  in Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde loo magacaabo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, markaa Cabdiqaadir ayaan aqoon u leeyahay oo aanu isku kacaan ahayn, iskuulkana isku sanad ahayn  markaa waan hambalyeynayaa waana nin aan ku kalsoonahay, waxaanu ka mid yahay ragga maanta wadanka somaliland jooga ugu aqoonta badan uguna fahmada badan dhinaca siyaasada uguna waaya aragsan lana aamini karo, markaa aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Cabdiqaadir Jirde.”

Xasan Ciise, wuxuu intaas raaciyay ,  “Cabdiqaadir Jirde waa nin aan ku kalsoonahay waana nin aan aaminsanahay inuu wax badan ka tari karo meel kasta oo uu ku biiro markaa waan tahniyadaynayaa waanan ku hambalyeynayaa hawshaas cusub ee uu qabtay waxaanan u rajaynayaa in ilaahay ku asturo.” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews