“Itoobiya Waa In Talaabo Adag Laga Qaadaa”HRW “
October 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa kulankii guddi hoosaadka Midowga Yurub ee xuquuqda aadanaha waxay Midowga Yurub iyo beesha caalamka ugu baaqday inay tallaabo xoogan ka qaadaan Ethiopia.
Kooxaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ku warramaya in beesha caalamka ay dhinaca kale uga jeestaan marka ay timaado xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo caburinta xoriyadda hadalka ee Ethiopia.
Cilmi baadhe sare ee Human Rights Watch, Felix Horne ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inay jirto rabitaan la’aan ah in wax laga qabto arrimaha Ethiopia sababo la xidhiidha xidhiidhka xooggan ee dowladda dalkaas ay la leedahay beesha caalamka.