Maareyihii Hore Ee Dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxor Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Waxba Kama Jiraana Kutilmaamay
October 15, 2016 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Maareyihii Hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed(Cali Xoorxor)ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay War lagu baahiyay warbaahinta qaarkeed oo shegaayay inuu ku biirayo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Maareye Cali Xoorxor oo ku sugan dalka itoobiya ayaa khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay shabakada Wararka ee Berberatoday.com waxaanu sheegay in aan warkaas warbaahinta qaarkeed qortay ee sheegaya inuu xisbiga Waddani ku biirayo Waxba ka jirin cidii qortayna ay iska qortay Waxaanu yidhi”Waxan kusuganahay dalka Itoobiya oo aan hawlo iigaara ujoogaa aniga iyo qoyskaygu warkaas la leeyahay Cali Xoorxor baa Xisbiga Waddani ku biirayana Waxba kama Jiraan.