Madaxweyne Siilaanyo Oo Laba Toddobaad Oo Uu London Joogo Aan Weli La Kulmin Dawladda Ingiriiska Iyo Sababaha Lala Xidhiidhinayo –
October 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa laba toddobaad oo uu Ingiriiska joogo aan weli wax kulan ah la yeelan dawladda Ingiriiska, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo Isniinta toddobaadkan dalka ku soo laabto, iyada inta la og yahay aanu inta ka horreysana wax ballamo ah la’ lahayn masuuliyiinta Ingiriiska.
Madaxweyne Siilaanyo oo dalka Ingiriiska ay u raaceen weftigii ugu cuslaa oo ka kooban lix wasiir oo uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, ayaan haba yaraate weli wax kulan la yeelan xukuumadda dalka Ingiriiska, si uu ugala hadlo danaha iyo xidhiidhka labada wadan ka dhexeeya, iyadoo ay madaxtooyada Somaliland hore u sheegtay in safarka madaxweynuhu yahay dardargelinta “hawlo qarankeena muhiim u ah.”