berberatoday.com
Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Xoriyadiisii Dib Ugu Celisay Qoraa Abwaan Siciid Maxamud Gahayr Oo 54 Maalmood Hargeysa Ugu Xidhnaa Maamulaha Madaarka Iyo Ciidamada Booliska Iyo Xeer Ilaalinta Oo Diiday Siidayntiisa Xabsigana Ku Celiyay
October 15, 2016 - Written by Berbera Today
SICIID-MAXAMUUD-GAHAYR-HARGEYSAAWI1.jpgHargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda gobolka maroodi-jeex ayaa saaka soo gabo-gabaysay dacwadii qoraa abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, waxana Maxkamaddu soo saartay Xukun ah in deg-deg Xoriyadiisa loogu celiyo Qoraa Siciid maxamuud Gahayr oo ah muwaadin ku dhowaad laba bilood Xabsiga ugu jiray Rayigiisa oo uu dhibsaday Maamulaha Madaarka Hargeysi.
Hase-yeeshee markii Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysi soo saaray in dhamaan lagu waayey Mr. Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr eeddihii loo jeediyey ee lagu soo Ooggay, ayaa waxa uu Gudoomiyaha Maxkmaddu faray Askartii in laga furo Katiinada oo halkan lagu siidaayo, Siciid Maxamuud Gahayr.
Balse waxa arrintaa si cad gaashaashanka ugu daruuray oo iska dhego mariyey Xukunkii Maxkamadda xeer ilaalinta iyo Ciidamadi Booliska ahaa ee hayey Siicid Maxamed Gahayr, waxanay si badheedh ah u sheegeen inaanay sii daynayn qoraaga, oo ay Racfaan ka qaateen Xukunka Maxkamaddu soo saartay.
Hase-yeeshee, waxa uu gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysi dalbaday in hadda faraha laga qaado Maxbuuska oo haday racfaan qaadanayaan ay soo xidho Maxkamadda racfaanku. Hase yeeahee dheg umay jalaqsiin kooxdaasi, amarkii Maxkamadda waxanay sidii ku xareeyeen oo dib ugu celiyeen qoraa Siciid Maxamuud Gahayr xarunta C.I.D-da, halkaasoo ilaa saacadan uu ku xidhan yahay qoraa siciid Maxamuud Gahayr oo ay Maxkamaddu Xukun sii dayn ah maanta kasoo saartay.
Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadan ayaa muujinaysaa fulin la”aanta Xukuunnada maxkamadda ee dhinaca Xukuumaddu inaanay Ixtiraamayn, isla markaana waxa soo ifbaxaya faro gelin iyo rabitaanka masuuliyiinta dawladdu, hadii uu ku shaqeyn waayo Garsoorku inay awood u isticmaalaan oo xabsiyadda ay ugu jiraan dad Maxkmaddu sii daysay.
Sidoo kale, jawigii saaka ee Maxkamadda ayaa ahaa mid dariiqyadda soo galaaa dhoobay Ciidamo tiro badan oo u hibeysan,, kuwasoo dadka u diidayey inay hawlahoodii caadiga ahaa u galaan Maxkamadda.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews