Nigeria: Madaxweynaha Oo Ka Jawaabay Eedaymo Xaaskiisu Warbaahinta U Marisay
October 15, 2016 - Written by Berbera Today
Abuja(Berberatoday.com)-Xaaska Madaxweynaha Nigeria, Caasha Buhari ayaa sheegtay in aanay Taageeri doonin saygeeda Mohammedu Buhari haddii uu mar kale isku soo taago xilka madaxnimo ee dalkaas.
Caasho Buhari oo la hadashay BBC-da ayaa waxay sheegtay in Madaxweynaha Nigeria uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan rumeysnayn afkaarta xisbiga talada dalkaas haya ee APC, sidaa daraadeed Madaxweynaha looga baahan yahay isbeddel dhanka Xukuumadda ah.
“Madaxweynuhu wuxuu xilal badan u magacaabay xubno aan taageersanayn xisbiga talada haya ee APC, kuwaasoo af-duub ku qabsaday Xukuumadda oo dhan,” ayay Caasho Buhari.