Wasiir Cadaani Oo Ka Hadley Gudoomiyaha Waddani Ee Loo Comaamadey Cabdiqaadir Jirde Sharci Darana Ku Tilmaamay Hogaamiyaha Cusub Ee Xisbiga
October 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, ayaa beeniyay in Madaxweyne Siilaanyo arrimo caafimaad u joogo dalka Ingiriiska, waxaanu sheegay in madaxweynuhu u joogo hawlo shaqo islamarkaana uu caafimaad qabo.
Wasiir Saxardiid, oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo nuxurkiisu ahaa in safarka madaxweynuhu la xidhiidha baadhitaan caafimaad.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland wuu caafimaad qabaa, halkaasna wuxuu u tagay hawl qaran, Wasiiro badan baa la jooga, Siyaasad qudha maaha, Maalgashi baa laga wada hadlayaa, waxa laga hadlayaa sidii dalka loo maalgalin lahaa, loona horumarin lahaa, Madaxweynuhuna hawl qaran buu u baxay, dalka Ingiriiskana waa dal aynu xidhiidh wanaagsan leenahay, oo jaaliyada ugu badan ee Somaliland ku nool yihiin. Madaxweynuhuna wuxuu u jeediyey khudbad aad u qiimo badan, markaas sannadkani waa sanad siyaasadeed, oo sannadkii siyaasada ayaa lagu jiraa, oo Mucaaradku waxay doonaan ayey odhanayaan, laakiin Madaxweynuhu wuu caafimaad qabaa, ILLAAHAYNA waxaanu uga baryeynaa inuu caafimaadka u sii siyaadiyo”. ayuu idhi Wasiir Cadaani.