berberatoday.com
Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Bandhigey Buug Uu Qoray Iyo Bulshada Oo U Riyaaqdey
October 16, 2016 - Written by Berbera Today

Haragaysa(Berberatoday.com)-Abwaan Jaamac Faarax Yuusuf (Jaamac Xaad) oo ah askari ka tirsan Ciidanka Booliska,  gaar ahaan Kooxda Wacyigelinta ee Goodir,  ayaa soo bandhigay Buug suganeed uu qoray oo ka hadlaya doorka ciidammadu booliska iyo is-fahanka bulshada.

buug

Xafladda bandhiga buuggan oo la yidaa Afgarad, ayaa ka qabsoontay  Jimcihii toddobaadkan hudheelka Imeprial ee magaalada Hargeysa. Waxa uu qoraagu ku soo bandhigay buug sugaaneedkan hormarka bulshada, ilaalinta amniga, xuquuqal-insaanka, aafada tahriibta iyo iskaashiga bulshada.

Askarigan hal-abuurka ah,  ayaa si farshaxanimo leh waxa uu u soo bandhigay buugga, waxaannu tilmaamay inuu muddo soo waday ilaahay mahadiina uu u suuragalay inuu buuggan soo bandhigo oo bulshada uga faa’iideeyo.

Dhammaan masuuliyiintii iyo marti sharafkii xafladda bandhiga ka hadlay waxa ay qoraaga ku dhiirigeliyeen inuu halka horumarka ka sii wado, dadkiisa ammaankooda ku sugo qoraal, af iyo adeega askarinimaba.

Taariikhda Qoraaga oo Kooban

Abwaan Jamac Faarax Yuusuf wuxuu ku dhashay Gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalo madaxdiisa Burco sannadkii 1969kii. Waxbarashadiisii hoose/dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay Koonfur Soomaaliya, khaasatan Dajuuma iyo Madheedhley.

Abwaan Xaad wuxuu ahaa dhallinyadii ka soo qayb qaatay halgankii dib u xoraynta ee (SNM) hoggaaminaysay  mudadii 1988dii ilaa 1991kii,  gaar ahaan wuxuu ka tirsanaa aagii madiina qaybtii koobaad, isagoo markii dalku xoroobayna ka tegay una leexday halgan kale oo xaga waxbarashada ah.

Abwaan xaad markii uu ka tegey ciidamada wuxuu noqday macalin iskuulada gaarka ah iyo madaarista dhiga,

Abwaan xaad waxa uu hadda ka mid yahay ciidanka booliska JSL waana abwaan ka mid ah abwaanada qaranka wuxuuna ka tirsan yahay kooxda goodir waana tiir ka mida kuwa ugu adag ee kooxdaasi ku taagan tahay wuxuuna sameeyey barnaamijyo dadka lagu wacyi gelinayo oo ka hadlaya dhinacyo badan oo arimaha bulshada.

 

 

 

berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews