berberatoday.com
Beesha Degen Deeganada Hawd Iyo Hargaysa Oo Maanta Si Aan Kala Hadh Lahayn Cududoodii Ugu Wareejinaya Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani
October 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Beesha Arab ayaa maanta haddi alle idmo waxay si gunta rujis ah tageeradoodi ugu wareejin doonaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo dhawaan Gudoomiyaha Xisbigaasi Ubalan qaaday ionuu Gudoomiyenimada Xisbigaas ku wareejin doono Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde Awcali oo kasoo jeeda beeshaas Arab.

Saladiinta, Mujahidiinta, Abwaanada, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Fanaaniinta Saxafiyiinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Beesha Arab ayaa bari si midnimo dhammaystiran ah waxay maanta haddii alle idmo, oo noqonaysa Axad bishu tahay 16/10/2016, ay tageeradoodi ugu wareejin doonaan Xibiga WADDANI.
Go’aankan oo noqon doona mid tariikhda Somaliland gali doona, waxa hoggaaminaaya Siyaasiga lagu naanayso Xundhurtii Hargaysa Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, oo ka soo jeeda qoysaskii aasaaska u dhigay Caasimadda Somaliland.
In kasta oo uu Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde hore uga mid ahaa Xisbiga WADDANI, hadana waxa keentay inuu tageerada beesha Arab wada hantiyo, kadib markii uu Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiilaahi (Cirro), cadeeyay inuu jagada Guddoomiyaha uga degaayo Cabdiqaadir Jirde.
Xaflada ay tageeradoodii beesha Arab ugu soo wareejinaayay Xisbiga WADDANI ayaa siweyn looga dareemaya Magaalada Hargaysa oo lagu qaban dooni hotel guuleed.
Beesha Arab, oo kamid ah Beelihii doorka lama ilaawanka ah ka soo qaatay halgankii dalka xorriyadiisa lagu soo celiyay, ahna beel saamayn ballaadhan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hore waxay isu garab taageen Xisbiga KULMIYE oo beeshu tageeri jirtay, balse hungo iyo qadarin la’aan ay kala kulmeen markii ay tallada dalka sareen ayaa keentay inay hal mar u weeciyaan cududoodi dhinaca Xisbiga WADDANI.
Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa dhabar jab weyn ku noqoneysa xisbiga kulmiye oo waayay awood ka mida awoodihii teegaranimo ee uu ku faani jirey.
Berberatoday.com
COMMENTS
|