Muuse Biixi Oo Isbaahaysigii Wadani Ku Biiray Ku Tilmaamay Kuwo Aan Hore Kulmiye Uga Soo Hawl Galin Balse Xukumada La Kawsaday
October 16, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa wareysi uu siiyey idaacada BBC da laanteeda afka Soomaliga ayaa uu kaga hadley siyaasiyiintii isbaheysiga Kulmiye ee ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani .
Muddane Biixi waxaa uu sheegay in siyaasiyiintaas badankoodu aanay ka mid aheyn dadkii hawl wadeenada ahaa ee xisbiga Kulmiye ka mid ahaan jiray balse waxaa uu ku sifeeyey rag ganacsato ahaan jiray oo xukuumada si dhib yar u soo galay waxaana uu yidhi