WARBIXIN: Dhibaatooyinka Ay Bulshada Hargeysa Kala Kulmaan Carruurta Ku Shaqeysa Baalashka
October 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Inta badan Dhalinyarta ku shaqeysta Baalashka ee ku nool magaalada Hargeysa, waxaa ay bulshada qaybaheeda kala duwan kala kulmaan Dhibaatooyin kala duwan, waxaana dhibaatooyinkaa ka mid ah in Dadka qaarkood ay Baalashlaha kala tagaan Lacagta uu kabaha ugu Baalasheeyay.
Dhalinyarta Baalashka ku shaqeysta oo ka soo jeeda Bulshada Danyarta ah danyarta ah ee aan meel kale dhaqaale ka soo gelin, ayaa waxay suuqyada ugu soo baxaan inay dabbaraan nolosha qoyskooda, Inkaska oo ay jiraan tiro kooban oo xaafadahooda kasoo baxsaday oo shaqadan qabta.