Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Cumar Maxamed Faarax oo ka mid ahaa xubno wasiiro ah oo madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey madaxweyne Siilanyo oo maanta dalka ku soo laabtey ayaa markii uu madaxweynuhu Wasiirada salaan la soo dhex maray waxaa uu wasiirkani ku qaabilay madaxweynaha salaan ka duwan tii ay dhigiisa wasiiradu ka qaabileen .
Wasiir Cumaar Faarax ayaa waxaa uu madaxweynaha u salaamay qaabka ay ciidamadu salaanta u kala qaataan waxaana xusid mudan in uu wasiirkani ahaa sarkaal ciidan oo ka tirsanaa dawladii siyaad Bare .