berberatoday.com
Loolanka Madaxweyne-xigeenka Xisbiga Waddani Oo Tartankiisu Marayo Meel Xaasaasi Iyo Laba Murashax Oo Isugu Soo Hadhay –
October 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Tartankii u dhexeeyay murashixiinta madaxweyne-xigeen ee xisbiga Waddani ayaa isugu soo ururay laba murashx oo ka soo jeeda gobalka Awdal, kuwaas oo uu u dhexeeyo tartan adag oo xaasaasi ahi.

1

Labada murashax ayaa kala ah Md. Maxamed Xaaji Cali iyo Md. Axmed Muumin Seed, waxaanay noqdeen labada murashax ee soo buuxiyay shuruudihii ay guddiga qaban qaabada shirka golaha dhexe ee Waddani ku xidheen murashixiinta.

Labadan murashax ayaa waxa tartankooda si weyn looga dareemayaa magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanay murashixiintii kale noqdeen kuwa iskood u tanaasulaya oo taageera labadan murashax midkood iyo kuwo si toosa uga hadha tartanka, ka dib markii ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo ah xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani oo ka mid ahaa ragga la filayay inay loolan adag u galaan jagadan madaxweyne-xigeenka xisbiga Waddani, ayaa munaasibad habeen hore lagu qabtay Maansoor kaga dhawaaqay inuu u tanaasulay oo uu taageeradiisa ku wareejiyay Md. Maxamed Cali.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo munaasibadaas hadal ka jeediyay wuxuu sheegay in Maxamed Cali aanu noqon doonin madaxweyne-xigeen qol ku xidhan ama madaxweyne xigeen duda oo cadhooda, iyadoo hadalkaas loo tumay sacab badan, loona qaatay inuu u jeedo madaxweyne-xigeenka wakhtigan Md. Saylici oo isna ah murashax madaxweyne-xigeen,  waxaanu Mr. Mataan ugu horayn yidhi “Xisbiga tallo-wanaagiisa ayey ku jirtaa in la isu tanaasulo, oo qof la wada dhiso, mucaaradku haddi uu kala qeyb-samana waxa ku yimaada dhibbaato weyn sidaas darteed waxa farxad noo ah in la soo koobay murashaxiintii, waxa aynu u baahan nahay in murashaxa aynu dooranaynaa uu maslaxad u yahay dalka iyo dadkan ba, jagada Madaxweyne ku xigeenku maaha jago sahlan, waa Madaxweynaha berito, waa qofka la rabo haddii tii Alle ba timaado in uu dalkan ka noqdo Madaxweyne oo uu ina hagi karo, waa in uu noqdaa qof leh aqoonteedii, waa in uu ahaadaa qof leh kartideedii, waa in uu noqdaa qof leh waayo aragnimaddeedii, waa in uu noqdaa qof leh dad dhex-galkeedii, waa in uu noqdaa qof leh dhaqankeedii, diinteedii iyo asluubteedii, waa in uu noqdaa qof leh waxa ugu mudan oo ah dulqaad, Dr.Maxamed Cali Cabdi, waxa farxad noo ah in aanu intaa ba aanu ku siffeyno, waa nin intaa ba ku siffoobay, waa nin dulqaad leh uu dalka ku hoggaamiyo.”

Wuxuu intaas raaciyay “Waxa aan cod dheer ku sheegaynaa in aanu taabacsan nahay, dhisayo, lana halgami doono haddii Alle yidhaahdo Ambassador Maxamed Cali Cabdi, sababtu na waxa weeye waxa aan u arkaa in uu yahay nin hoggaamin kara dalkan, hoggaaminta dalka na ku garab gali kara Cabdiraxmaan Cirro Madaxweynenimada, u na noqon kara mid ka duwan Madaxweyneyaal ku xigenaddii ina soo maray, Maxamed ma noqon doono nin qol ku xidhan iyo nin duda mida na se waa nin kaalintiisa ka soo bixi doona oo dalka la maamuli doona Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.”

Tartankan xaasaasiga ah ayaa soo afjarmi doona maalmo ka dib, waxaanay labadan murashax saxeexeen balan qaad ay ku cadaynayaan inay aqbali doonaan natiijada ergada golaha dhexe iyo weliba inay xisbiga ku sii nagaan doonaan marka doorashada shirka golaha dhexe dhammaato.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews