berberatoday.com
Masuuliyiinta Iyo Taageerayaasha Xisbiga Ucid Ee Dalka Uk Garabka Musharrax Jamaal Cali Xuseen Oo Cudud Miisaan Leh Caawa Kusoo Bandhigay London
October 17, 2016 - Written by Berbera Today

 

 ucid-uk

“Hadaanu nahay garabka Jamaal cali xuseen ee Xisbiga Ucid waxanu soo jeeddinaynaa markii aanu qiyaasnayn Faysal Cali waraabe waxa uu ku hadlaayo, waxaanu Jamaal cali xuseen iyo Garabkiiisa usoo jeedinaynaa inaan loo jwaabin”. Ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta Ucid Uk Md. Cukaashe. ” Muuse Biixi waxa uu dalka Uk ula soo guuray dagaalkii uu ku hayey Ucid, isagoo weerar ku qaaday inuu masuuliyiinta xisbiga ee dalkan biliqaysto, hase-yeeshee wuu ku Guuldaraystay oo waxa uu kaxaystay laba Inaan oo uu adeer u yahay oo keliya”. Eng. Faysal CabdiraxmaanLondon(Berberatoday.com)-Kulan ballaadhan oo ay Caawa Iskugu yimaadeen Masuuliyiinta xisbiga Ucid ee dalka Uk, oo iskaga kala yimi dhamaan gobollada Dalweynaha Ingiriiska ayaa caawa ka qabsoontay Magaaladda London. Kulankaa oo ahaa mid lagu dardar gelinaayo hawlaha xisbiga ee dalka iyo dibeda, lagu badbaadinaayo Xisbinimada Ucid, isla markaana lagu taageeraayo Musharraxa Xilka Madaxweynenimada ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayey masuuliyiinta ka qaybgashay halkaa kasoo jeediyeen hadallo qiimo badan oo dhisaaya Xisbiga Ucid.

Sidoo kalena Munaasibada oo hadda socotaa waxa kasoo qaybgalay madaxda xisbiga ee dalka Uk, sida Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Ucid ee Uk Md. Cabdiqaadir Cukaashe iyo sidoo kale Gudoomiyaha Bristool, iyo madax kaloo badan. Waxanay dhamaan xubnaha kasoo qaybgalay kulankaan ballaadhani u jeediyeen Gudoomiyaha xisbiga Ucid inuu xisbiga ka daayo Burburinta iyo xisbi kale u jebinta, isla markaana waxay garabka Musharrax Jamaal Cali Xuseen usoo jeediyeen in aanay iyaggu ka jawaabin weedhaha deel qaafka ah ee kasoo yeedha Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Md. Cukaahse oo hadal dheer ka jeediyey kulankan ayaa yidhi

“Faysal Cali Waraabe oo xisbigii Burburinaaya, waraysigiisii u danbeeyeyna ay ka muuqatay weedho shaqsi cay iyo aflagaado ah, hadaanu nahay garabka Jamaal cali xuseen ee Xisbiga Ucid waxanu soo jeeddinaynaa markii aanu qiyaasnayn Faysal Cali waraabe waxa uu ku hadlaayo, waxaanu Jamaal cali xuseen iyo Garabkiiisa usoo jeedinaynaa inaan loo jwaabin”. Ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta Ucid Uk Md. Cukaashe.

Sidoo kale, madaxda iyo saraakiisha kulankaan kasoo qaybgashay ee Xisbiga Ucid Uk, ayaa kashifay Burburin iyo faro-gelin uu xisbiga Ucid ku hayo Musharraxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ay sheegeen inuu laba Inaan oo uu adeer u yahay ka kaxaystay xisbiga Ucid, kuwasoo kamid ahaa madaxda dalka Uk ee UCID. ” Muuse Biixi waxa uu dalka Uk ula soo guuray dagaalkii uu ku hayey Ucid, isagoo weerar ku qaaday inuu masuuliyiinta xisbiga ee dalkan biliqaysto, hase-yeeshee wuu ku Guuldaraystay oo waxa uu kaxaystay laba Inaan oo uu adeer u yahay oo keliya”. La soco goor dhow muuqaaladda iyo sawiiradda ,Munaasibadan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews