Suldaan Maxamed Oo Soo Jeediyay In Doorashada Madaxtooyadu Wakhtigeeda Ku Qabsoonto
October 17, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaanu Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay inay ilaaliyaan Shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaala.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay isagoo Diridhaba jooga ayaa sidoo kale ku baaqay in Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto, waxaanu yidhi “Xisbiyada waxaan kula talinayaa in shuruucda iyo sharciga dalka u yaala ilaaliyaan oo aanay baalmarina,Siyaasiyiintana waxaan leeyahay ilaaliya Dastuurka oo tarankiinu ha ahaado mid caadifadi aanay ku jirin,oo xeerka uu Komishanku soo saaray sidiisa ugu dhaqma”.