Waftigii Uu Hogaaminayay Madaxwayne Siilaanyo Oo Soo Gaadhey Magaalada Hargeysa
October 17, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa hada soo gaadhay dalka ka dib safar mudo sadex todobaad qaatay oo ay ugu maqnaayeen dalalka Ingiriiska iyo Imaaraatka Carabta.
Soo laabashada Waftiga madaxwaynaha ayaa waxa lala xidhiidhinayaa xaalado dhinaca siyaasada ah oo dalka ku soo cusboonaaday intii ay ka maqnaayeen oo ay ugu horeyso Siyaasiyiin Miisaan ku leh saaxada siyaasada Somaliland kuwaasi oo ku biirey xisbiga ay sida wayn u xafiltamaan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.