berberatoday.com
Xildhibaan Xukuumadda Uga Digay Go’doon Siyaasadeed
October 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan.  Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey
Xukuumadda,waxaanu sheegay inay ku fashilantay Siyaasada Arrimaha Dibada, meeshana ka saartay kalsoonidii Beesha Caalamka.

1

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee Waddani,Isbahaysiga ku soo biiray waxaanu yidh “Xukuumaddani waxay meesha ka saartay kalsoonidii iyo xidhiidhkii Beesha Caalamka ee ay dhiseen Xukuumaddihii hore ee dalku,waxaana ayaan daro ah in talaabo walba oo ay qaado la saxsan tahay waxbana aanay ka garaabeen, kolay sida inoo muuqata Caalamkii wuu inaga sii fogaanayaa ee waxaan Xukuumadda leeyahay godoon ha ina galinina kamana maarmayno Caalamka ee macaamilkii iyo xidhiidhkii wacnaa ee Beesha Caalamka soo celiya,”.
Isagoo ka hadlay siyaasiyiinta ku biiray Waddani dhawaan wuxuu yidhi  “Siyaasiyiinta Isbahaysiga ee nagu soo biiray waa Rag misaan culus oo taageero badan ku soo kordhinaya Xisbiga Waddani,waa Wasiiradii ugu miisanka cuslaa uguna awooda badnaa Xukuumaddan, markaas Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddaba cadaalad  daro iyo. eex bay uga soo careereen,laakiin cadaalad waxay ka helayaan Waddani oo ah Xisbi Qaran oo umadda reer Somaliland dhex u ah.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews