berberatoday.com
Dawladnimadii Somaliya Oo Fagmaysa Iyo Gobolada Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe Oo Madaxweyne Doortay
October 18, 2016 - Written by Berbera Today

Jowhar(Berberatoday.com)-Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo 61 cod kaga guuleystay Musharaxa kale ee la tartamayay Maxamed Cabdi Waare oo helay 36 cod.

cosoble

Doorashada oo aheyd mid aad isha loogu hayay ayay dad badan horay u sii saadaaliyeen, inuu ku guuleysanayo xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay Mbaghati ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Xildhibaanada, isagoo sheegay in 98 xildhibaan ay codeysay, 61 cod uu helay Cali Cabdullaahi Cosoble, halka 36 cod uu helay Maxamed Cabdi Waare, halka Hal cod uu xumaaday.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu wadaa in la dhaariyo marka ay soo gaba gabowdo doorashada Madaxweyne kuxigeenka oo ay ku tartamayaan Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cali Xasan Taakow.

Maxamed Cabdi Waare oo doorashada Madaxweynaha lagaga guuleystay oo hadlay markii natiijada doorashada lagu dhawaaqay ayaa soo dhoweeyay natiijada, isla markaana uu ku faraxsan yahay in Cali Cabdullaahi Cosoble uu ka guuleystay, isagoo tilmaamay in wixii talo iyo tusaale uu diyaar ula yahay inuu ku biiriyo hadii uu uga baahdo.

Goobta ay ka socoto doorashadaayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay wehliyaan Xildhibaanada Senate-ka ee Aqalka sare ee maalmo ka hor lagu doortay magaalada Cadaado.

Doorashada Madaxweyne kuxigeenka ayaa hada bilaabatay, iyadoo Xildhibaanada ay u kala codeynayaan Labada Musharax ee ku tartamaya xilka Madaxweyne kuxigeenka oo kala ah Cali Cabdullaahi Xuseen oo loo yaqaano Cali Guudlaawe iyo Cali Xasan Taakow oo labadaba ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews