Khasaaraha Ka dhashey Dagaallo Ka Dhacay Koonfurta Suudaan
October 18, 2016 - Written by Berbera Today
Juba(Berberatoday.com)-In kabadan 50 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo ka dhacay dibedda magaalada Malakal ee ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Koofurta Sudan.
Xooggaga mucaaradka ayaa Jimcihii weeraray magaaladaasi oo ah tan labaad ee dalkaasi ugu weyn, ka dib markii ay qabsadeen tuullooyin u dhow, walow ciidamada dowladda ay sheegeen in ay ka hortageen duulaankaasi, islamarkaana khasaare badan u geysteen mucaaradka.
Afhayeen u hadlay mucaaradka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay ka go’neyd qabsashada Malakal, asaga oo intaa ku daray in aysan mar dambe jiri doonin fursad uu heshiis ku dhexmarayo hoggaamiyahooda, Riek Machar iyo madaxweyne Salva Kiir, iyo sidoo kale kooxaha qowmiyadaha Nuer iyo Dinka.