berberatoday.com
Sariimadda Burco Oo Looga Caagay Soddon Jirro Derbi-jiif Ah Iyo Tuugo Dumarka Baadha
October 18, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Haweenka ku Ganacsada Sariimadda Magaalada Burco, ayaa Cabasho xoog leh ka muujiyey Rag Derbi-jiif ah iyo Tuugo maalin iyo habeenba baadha Dumarka u soo Adeegsi taga Sariimadda.

Warka BurcoHaweenka Hilibka iyo Khudaarta ku iibiya Sariimaddaas, ayaa sheegay in Ragga Derbi-jiifka ah iyo Tuugtu ay dhibaato xoog leh ku hayaan Amniga guud ee Sariimadda, maaddaama oo ay si joogto ah u baadhaan Dumarka Sariimadda ka adeegta, taasina keentay in laga caago Sariimadda oo Cidba wax ka iibsan waydo.

“Waxaanu ka cabanaynaa Nimanka waaweyn ee sita Budhadhka iyo Tooreyda iyo Xabagleyaasha waaweyn ee Soddon jirka iyo Afartan jirka ah iyo Tuugta. Nimankaasi waxay Lacagta kala boodayaan Dumarka u soo Adeegsi taga Sariimadda Burco. Raggaasi way tooriyeynayaan Ragga, Dumar badana bay ka qoonmeen Carruurtay Caloosha ku sideen.” Ayay tidhi mid ka mid ah Haweenka ku Ganacsada Sariimadda Burco oo la hadashay Warbaahinta oo halkaa booqatay, waxayna intaa ku dartay, “Markaa amni ma hayno. Dawladda Hoose-na nooma timaaddo oo amniga Sariimadda xil iskama saarto, Maayarkuna intaa uu Magaalada haysto agtayada ismuu soo taagin.”

Hooyo kale oo ka mid ah Haweenka Sariimadda ku Ganacsada, ayaa sheegtay “Dayac-baanu qabnaa oo Dumarkii waxba way naga iibsan waayeen. Dumarka tii uurka lahayd, tii umushay iyo tii isa sidatay way dayacan yihiin.” Ayay tidhi.

Xoghayaha Dawladda hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheekh oo wax laga waydiiyey Cabashada Amni daro ee ka soo yeedhay Haweenka ku Ganacsada Sariimadda, ayaa ku jawaabay, “Tuugtaasi way iska jiraan oo weligoodba way jireen, Xabagleyaashuna way jiraan. Waxaan idiin sheegayaa Dadkaa waxaanu daba dhignay Ciidan, laakiin waxaad mooddaa inay soo noq-noqonayaan, waayo? Way dhacdaa (Baadhashada Haweenku) marka Ciidamada laga soo qaado Sariimadda ee looga baahdo meel kale Ciidanka. Laakiin maaddaama oo Cabashadu soo noq-noqotay waxaanu Sariimadda joogto uga dhigeynaa laba Askari.”ayuu yidhi.

Dhawaan ayay ahayd, markii Maamulka Gobolka Togdheer uu xidh-xidhay Dhallinyaro gaadhaysa boqol, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay habeenkii koox koox isku raacaan isla-markaana Ciddii ay arkaan ay baadhaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews