“Xukuumadii Rayaale Ayaa Kaga Wanaagsan Arrimaha Dibadda Xukuumadda Siilaanyo”Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare
October 18, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, oo Wasiir ka ahaa Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale, ayaa sheegay in dib u dhac balaadhani ku yimid Siyaasadii Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhkii Beesha Caalamka iyo Wadamada jaarka, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddii hore kaga wanaagsanayd.

Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, oo hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dib u dhaca ku yimid Doorsahada Wakiilada iyo rajada uu ka qabo Shirka Golaha Dhexe ee Waddani , waxaanu yidhi “Caalamka iyo dadka reer Somaliland wey ka war hayaan faraqa weyn ee u dhexeeya rajooyinkii la qabay Xukuumaddii hore ee aan ka tirsanaa, iyo maanta heerka aynu marayno, wakhtigaas Siyaasad fiican ayeynu Caalamka kula shaqeeynayey, Wadamada jaarkana xidhiidh fiican baa inaga dhexeeyey, boqolkiiba boqol Xukuumaddii Daahir Rayaale ayaa kaga wanaagsanayd Siyaasada Arrimaha Dibadda Xukuumaddan, taasna dadku wey qirayaan, Caalamkuna uu qirayaa, xitta habka loola macaamilo Beesha Caalamka ama Hay’addaha Caalamiga hoos u dhac balaadhan baa ku yimid, Siyaasadii Arrimaha Dibaddana dib u dhac balaadhan baa ku yimid, farqi aad iyo u weyn ayaana u dhexeeya”.