Yaan La Siyaasadaynin Xuska Shuhadada SNM Ee 17-Ka October – Qalinkii Yuusuf Cabdi Gaboobe
October 18, 2016 - Written by Berbera Today
Haddii Eebe idmo waxaynu burrito (Maanta) xusi doonaa maalinta Shuhadada SNM ee 17-ka October oo sanadkan kusoo hagaagtay xilli ay dalka ka socdaan ololeyaal ay axsaabta siyaasaddu ugu jiraan tartanka doorashada Madaxwaynaha ee la filaayo inay Somaliland ka qabsoonto March 2017-ka.
Munaasibadan oo ah mid qiimo wayn ugu fadhida bulshada, waxa habboon in sideeda loo xurmeeyo lagana ilaaliyo wax kasta oo wax u dhimi kara milgaha iyo sharafta ay huwan tahay maalintani, sida qof ama koox gaar ahi gooni u sheegato xuskeeda iyadoo dano siyaasadeed ku fushanaysa.