Daawo Muuqalka”Dugsiyo Waxbarasho Oo U Xidhanaa Colaada Ceel-Afweyn oo Dib Loo Furey
October 19, 2016 - Written by Berbera Today
Ceel-Afweyn(Berberatoday.com)-Dugsiyada dawlada ee degmada Ceel-afweyn oo Muddo bilo ah u xidhnaa Colaadii halkaasi ka dhacday Bishii August ayaa dib loo furayaa Maalinta Sabtida 22 Bishan Tobnaad 2016.
Wasiirka dawlaha Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga oo magaalada Ceel-afweyn maalmihii u dambeeyay Joogay, ayaa sheegay in waxbarashadii dugsiyadaasi la bilaabi doono, islamarkaana loo baahanyahay inay ardeydii Dugsiyada Yimaadaan.