Deg Deg Ah”Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Oo Si Rasmi Ah Saaka Uga Furmay Hutel Maansoor Hargeysa Iyo Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Ka Soo Qeyb Galay + (Sawiro).
October 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir weynihii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI ayaa hadda si si rasmi ah uga furmay huteelka maan-soor ee magaalada Hargeysa,waxaanay adasha ka soo xaadiray masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga WADDANI oo uu horkacayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo dhammaanba ergooyinka kala duwan ee ka qayb-gelaya shirkaasi.

Dhanka kalne shinka ayaa waxa lagu soo casuumay marti sharaf kala duwan,kuwaas oo ay ka mid ahayeen madax ka socotay Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE iyo masuuliyiin ka socotay Xisbiga mucaaradka ah ee UCID , xubno ka socday komishanka doorashooyinka qaranka, salaadiin cuqaal, iyo xubno kale oo ka socday ururada kala duwan ee bushada, qurba-joog iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Sidoo kalen waxa munaasabadan ka soo qayb-galay war-baahinta kala duwan ee ka hawgasha dalka gudihiisa iyo debadiisa,waxaana kamid aha ilaacadaha Bbc-da iyo VOA-da ,waxaana xusid mudan in ay Tv-yada si Toos ah u tebinayeen muuqaalka shirka,iyadoo aanay meesha