berberatoday.com
Donald Trump Oo Casuumad U Fidiyey Madaxweyne Obama Walaalkii.
October 19, 2016 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa ku casumay madaxweyne Barack Obama walaalkii in uu ka mid noqdo martida ka qeyb galeysa dooda seddaxaad ee ugu dambeysa ee uu caawa Las Vegas kula yeelanayo Murashaxa ay ishayaan ee Hillary Clinton.

donald

Malik Obama oo ah Muslim haysta dhalashooyinka Mareeyka iyo Kenya ayaa u sheegay jaraa’idka New York Post in uu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb qaadashada dooda wuxuuna sheegay in uu aaminsan yahay in Donald Trump uu Mareykanka isbadal u keeni doono.

Bishii July, wuxuu sheegay inuu u codeyn doono xisbiga Jamhuuriga, wuxuu ku eedeyay madaxweyne Obama in uusan wax u qaban dadka Mareykanka iyo qaraabadiisa Kenya ku nool oo rajo ka qabeen inuu wax badan u qabto markuu xilkii madaxweynaha qabtay.

Malik Obama ayaa beeniyay eedeymaha ay dumar u jeediyeen Donald Trump ee ahaa inuu ku xadgudbay.

”Ma aaminsani, sababtoo ah maxay xilli hore isu soo bandhigi waayeen?” ayuu yiri

Hadalladaasi ka dib Trump ayaa u sheegay jaraa’idka in uu jecel yahay inuu la kulmo Malik Obama

Madaxweyne Obama walaalkii waxa uu isku deyay inuu siyaasadda ku biiro ka dib markii sannadkii 2013 u tartamay kursiga barasaabka gobolka Siaya ee dalka Kenya.

Barack Obama wuxuu ku dhashay Gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka. Hooyadii waa Mareykan abahiisana waa Kenyaan dalkiisa ka tagay isagoo laba sano jir ah.

Obama wuxuu booqday Kenya sanadkii hore, booqashadaasi oo ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii uu madaxweyne uu ka nqoday Maraykanka 2009-kii.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews