Riyaad(Berberatoday.com)-Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa xukun qisaas ah lagu fuliyay mid kamid ah Amiirada qoyska reer Boqor kadib markii uu dil geystey.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in shalay xukun dil ah lagu fuliyey Amiir Turki Bin Sacuud Al-kabiir, kadib, markii lagu helay inuu Nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Caadil Bin Suleymaan Bin C/kariim Al-muxaymad ku dilay duleeda Caasimadda dalkaasi ee Riyaadh.