berberatoday.com
Akhriso War Cusub Oo Ka Soo Kordhey Saxafi U Shaqeeya Telefishinka Al-Jazeera Oo Dhawaan Ciidanka Sirdoonka Somaliya Xabsiga Dhigeen .
October 20, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa goor dhoweyd  dib u helay xorriyadooda Wariye Xamza Maxamed iyo Labo sawir qaade ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera qeybtiisa Afka English-ka ee xaruntiisu tahay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

hamse-mohamed

Sii deynta Wariyeyaashan oo muddo labo cisho ku xidhnaa xabsi ay gacanta ku heyso NISA ayaa ka dambeeyay dadaalo ay u galeen sii deyntooda Mas’uuliyiinta Warbaahinta Soomaalida, diblomaasiyiin iyo Hey’ado caalami ah.

Wariyaha caanka ah Xamza Mohamed oo heysta Dhalashada Britain ayaa Galabnimadii salaasadii  laga qabtay duleedka magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas bar koontarool ku qabtay Ciidamada Nabadsugida.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xaqiijiyay in la sii daayay Wariyaha Al Jazeera Hamza Mohamed iyo labada sawir qaade ee la socodey.

Shalay ayay aheyd markii Xoghayaha Guud ee NUSOJ Macalimuu iyo Guddoomiyaha Dallada Warbaahinta Madaxa banaan ee SIMHA Xasan Cali Geesey ay ku booqdeen xarunta baarista Xisbiga oo Wariyaha iyo labada sawir qaade lagu hayay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay xadhigooda ayaa sheegay in iyagoo aan laga war qabin dalka soo galeen, isla markaana deegaanada Al-Shabaab ka taliyaan tageen, laguna soo dhoweeyay, wuxuu xusay in warbixin hal dhinac ah halkaas ka sii qaadeen sida uu yiri.

Ciidamada NISA ayaa todobaadkan xirtay Tifaftirihii Wargeyska Xog Ogaal Cabdi Aadan Guuleed, iyadoo xirtay xaruntii Wargeyska, inkastoo markii dambe la sii daayay.

Wariyeyaasha ka howl gala Soomaaliya ayaa la kulma dhibaatooyin isugu jira xarig, jirdil iyo hanjabaado, waxaana dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada Soomaaliya lagu eedeeyaa in aysan dhowrin xuquuqda suxufiga

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews