berberatoday.com
Deg Deg Ah”Dagaal Dib Uga Qarxay Gaalkacyo Iyo Dayaanka Madaafiicda Oo Wehel U Noqdey Galbeedka Magaalada
October 20, 2016 - Written by Berbera Today

Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Dagaal ayaa mar kale maanta dib uga soo cusboonaaday aagga koofur galbeed magaalada Gaalkacyo, kaddib markii labadii maalmood ee u dambeeyay xaaladu aheyd mid degan.

breaking  news

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ku bilowday madaafiic labada dhinac is weydaarsadeen, iyadoo qaar ka mid ah madaaficida ay ku dhaceen xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka maanta dib uga soo cusboonaaday ayaa ku soo beegmaya, xilli dowladda Itoobiya ay sheegtay inay heshiis Nabadeed kala dhex dhigtay Maamulada Puntland iyo Galmudug, inkastoo labada maamul aanay xaqiijin warkan.

Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku kala sugan aagagga difaaca ayaa is dhaafsanayay madaafiic hoobiyeyaal iyo qoriga lidka diyaaradaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac uu khasaare ka soo gaadhay dagaalka iyo duqeynta dhex maray, hase ahaatee wali ma jirto warar faah faahsan oo ku aadan khasaaraha.

Saraakiisha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka soo qaaday.

Dagaalka u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug oo todobaadkii labaad galay ayaa ka bilowday dhisme ay Puntland ka wado maxjarka xoolaha oo ku yaala galbeedka Xaafada Garsoor.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 50-kun oo ruux ay ka barakaceen dagaalka Gaalkacyo, kuwaasoo xaalado duruuf ku heysato deegaanada miyiga ee ay u qaxeen.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews