berberatoday.com
Ceel-Af-weyn: 70 Arday Oo Dugsi La’aani Haysato, Dareenka Waalidka Iyo Xog-warranka Dawladda
October 21, 2016 - Written by Berbera Today

Dogoble(Berberatoday.com)-Ardey Wax ka baran jirtay Dugsi ku yaallay Tuulada Dogoble ee dhawaan Xukuumadda Somaliland dhammaanteedba baa’biisay, ayaan ilaa helin dugsiyo ay wax ku bartaan oo u beddelaya kuwii ku yaallay Tuulada la burburiyey.

Warka Ceel-afweynDugsiga lala burburiyey Tuulada Dogoble, ayaa waxa wax ka baran jiray Arday Tiradooda lagu sheegay 70 ardey, laakiin Ardaydaas ayaan ilaa hadda  dib u helin dugsi ay ku bartaan, maaddaama oo iyaga iyo qoysaskoodiiba ay ka guureen Tuulada Dogoble oo Xukuumaddu baa’biisay markii Mulkiyaddeeda ay isku qabsadeen laba Beelood oo wada deganaa isla-markaana uu dagaal dhowr jeer ka dhacay.

Qoysaska Ardeyda, ayaa u guuray Tuullada Darar-wayne ee Gobolka Sanaag, Waxaana dadka deegaanku sheegayaan in aanay carruurtii wax ka baran jirtay Dugsiga dhexe ee Dogoble  Muddo laba Bilood ah Waxbarasho tagin.

”Afar Carruur ah ayaa ii dhigan jirtay dugsiga, Markii dagaalladu ka dhaceen deegaanka ee la baabiiyay ayaa ugu dambaysay Waxbarasho, Waanad dareemi kartaa dhibaatada ay leedahay Ilmo yar oo laba bilood oo dhan bilaa waxbarasho ah”ayuu Yidhi Saleebaan Maxamuud Daahir oo u guurey magaalada Dararweyne, kadib markii xukuumadda Somaliland burburisay tuuladii uu deganaa.

Inkasta oo dugsiga deegaankaasi la baabiiyey,  oo dadkii Tuuladaasi ku noolaa loo raray magaalooyin kale, Haddana  waxaa jirta in dadka deegaankaasi aanay wax jawaab ah ka helin wasaaradda waxbarashada Somaliland sida uu Wargeyska Himilo u sheegay Saleebaan Maxamuud Daahir.

Isu-duwaha wasaaradfa Waxbarashada Somaliland ee Degmada Ceel-afweyn Kayse Shire Saalax oo khad Telefoonka shalay ugu waramay Wargeyska Himilo  ayaa sheegay in ardeydaasi,  aanay helin Dugsiyadii waxbarashada ee ay markii hore ka dhigan Jireen tuuladooda, balse ay rajeynayaan in lagu daro dugsiyada Darar-wayne iyo Ceel- Afweyn oo uu sheegay inay u guureen dadka intoodii badnayd.

“Deegaanada hoos yimaada Ceel-afweyn sidii dagaalku uga dhacay waxbarasho ka socoto, oo waxaanu bilaabaynaa maalinta sabtida sidii ay wasiiradu sheegeen doraad, Dogoble waala baabiiyay dugsigii ay caruurtu wax ku baran jirtay laakiin waxaanu rajaynaynaa in maalinta sabtida arday waliba tuuladuu u guurey dugsigeeda la geeyo”ayuu Yidhi Isu-duwaha wasaarada waxbarashada ee degmada Ceel-afweyn.

Dugsiyada Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa xidhnaa muddo laba bilood ah oo deegaankaasi ay ka jirtay colaad u dhaxaysa laba beelood oo wada degnaa  Tuulada Dogoble.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews