Daraasad Cadaysay Xilliyada Uu Socodku U Fiican Yahay Dadka Macaanka Qaba
October 21, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Daraasadd cusub oo dhawaan la soo saaray ayaa lagu cadeeyay in socodka waqtiyada cuntada kaddib uu wanaagsan yahay dadka xannuunka Macaanka qaba, waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen inay habboon tahay in dadka macaanka qabaa ay saddexda waqti ee cuntada kadib socdaan 10 daqiiqo, taasoo macnaheedu uu yahay inay socdaan 30 daqiiqo guud ahaan maalinta kaliya.
Daraasaddan oo shabakada Berberatoday.com kasoo xigtay jarriidada Daabetologia ee ka faaloota arrimaha cilmiga ah ayaa waxa lagu cadeeyay in xaddiga sonkorta ee dhiigu uu hoos u dhacay 22% dadka qaba xannuunkan marka ay wax cunnaan kadib sameeya socod 10 daqiiqo ah, waxa kale oo ay deraasaddani cadaysay in dadka iyagu sida joogtada ah u socda 30 daqiiqo isku xiga maalintii aanay sonkorta dhiigoodu hoos u dhicin.