Moqdisho(Berberatoday.com)-Hal qof ayaa ku dhaawacmay labo qarax oo maanta duhurnimadii ka dhacay magaalada Muqdishu.
Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa VOA u sheegay in labada qarax ay ka dhaceen jidka warashadaha. Qaraxa hore ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin cidamada AMISOM kuwaasi oo aan wax khasaare ah soo gaadhin.