berberatoday.com
Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Sababta Shirkooda Golaha Dhexe Uga Soo Qeyb Gali Wayeen Siyaasi Maxamed Cabdi Gaboose Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble .
October 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay sababta ay shirka golaha dhexe ee xisbigaasi uga soo qayb gali waayeen Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo aan labadii cisho ee shirka golaha dhexe socday lagu dhex arag iyo loolanka adag ee u dhaxeeya musharaxiinta madaxwayne ku xigeenka xisbiga u hirdamaysa,waxaanay sheegeen in doorashadu xisbigu dhacayso maalinta sabtida oo bari ku astaysan.

siyaasiyiin

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Saxan-saxo ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in ay cadho kaga maqan yihiin shirka siyaasiyiintaasi Dr Maxamed Gaboose Iyo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ,waxaanuu sidoo kale ka hadlay sababta shirka loogu daray muddo laba cisho ah iyo siyaasiyiin ku eedeeyey in shirku afduuban yahay.

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ugu horeyn ka hadlaya sababta labada cisho loogu daray wakhtiga shirka ayaa waxa uu yidhi

“Waxa kale in mudada shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI lagu daro laba cisho barnaamijka aanu doonayno in dalka lagu hogaamiyo ayaanu dadka oo dhan usoo bandhignay,markaa waxaan doonaynay in dadku waxay ay ku darayaan ay ku daraan oo aanu wada akhrino oo aanu siino maalin dhan oo gaar ah si uu meesha uga soo baxo barnaamij umada anfaca”

Xoghayaha oo aanu waydiinay halka uu marayo loolanka musharaxiinta madaxwayne ku xigeenka WADDANI oo wararka qaar sheegayaan in ay sababtay muddo kordhinta shirka waxa uu kaga jawaabay sida tan

“Musharaxiinta madaxwayne ku xigeenka xisbiga WADDANI hadii ay isku tanaasulayaan waa u xor hadii aanay isku tanaasulayn oo labaduba ay doonayaan inay tartamaana iyaga ayaa xaq u leh waana laba nin oo saaxiibo ah ,arintaasi dib u dhiga shirka meelna kamay soo galaynine waxaanu u kordhinay barnaamijka xisbiga,anigu waxaan ogahay in labaduba sharaxan yihiin hada waa caaddi sharciguna waa ogol yahay oo xisbiga waxa loo sameeyey in lagu dhex tartamo wax dhiba uma aragno tartanka Axmed muumin Seed iyo Maxamed Cali,waana guul in xisbiga dhexdiisa lagu tartamo”.

Xoghaye Maxamed Cabdilaahi Uur cadde oo ka jawaabaya sababta ay shirka uga soo qayb gali waayeen labada siyaasi ee Dr Gaboobe iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu kaga jawaabay sida tan

“labada nin ee Dr Maxamed Gaboose iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waa laba nin oo xisbiga rukumadiisa ka mid ah,wax khilaaf ah oo habayaraatee xisbiga soo dhex galayna ma jiro,Siciid Cilmi Rooble Abu Dubai ayuu ku maqan yahay,Gaboosena waa nin oo odayaasha xisbiga kamid ah markaa wax ka jiraa ma jiraan wararka sheegaya in cadho uu kaga maqan yahay shirka xisbiga”

Xoghayaha guud oo ka jawaabaya siyaasiyiin ka baxay shirka oo sheegay inuu afduuban yahay waxa uu yidhi

“Shirku cid walba waa u furan yahay cid uu u afduuban yahay iyo sabab loo afduubaana ma taalo maanta,shalay waxa laga hadlayay barnaamijka xisbiga daaraadna waxa la furayya shirwaynaha oo waxa la akhrinaay khudbadaha markaa maxaa laga afduubayaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo kooban Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Source:- Saxansaxo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews