Yurub Geenyo, Axmed-weli Furinle, Caabbi Mire Dacar, C/Kariin-Jiir Qaaray,Faarax Murtiile Iyo Abwaan Dheeg Oo London Lagu Soo Dhaweeyay
October 21, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska Axmed-weli Ibraahim Maxamuud (Furinle) iyo Fannaanadda Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-Geenyo), Fannaanka Caabbi Mire Dacar, Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, Mullaxamka Caanka ah ee Cabdikariin Faarax Qaaray (CKariin-Jiir), iyo Xubno kale, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada London ee waddanka Britian oo ay kaga qaybgalayaan Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee Somali Festival Week oo sannad walba lagu qabto London.