berberatoday.com
Ciidamda Itoobiya Oo Ka Baxay Deegano Ka Tirsan Dalka Somaliya Iyo Ururka Al-Shabaab Oo La Wareegay
October 23, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo muddo saldhig u aheyd, waxaana ciidamadan ay u baxeen dhinaca wadada aada magaalada Beledweyn.

ciidan

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay arkayeen Ciidamada Itoobiya oo ka sii baxaya saldhig ay ka degenaayeen duleedka Halgan, waxaana hore  u sii raacay ciidamo Soomaali aan badneyn.

Lama oga sababaha ay uga baxeen deegaanka Halgan oo muddo sanad iyo badh ay ku sugnaayeen, waxaana maalmihii u dambeeyay ay isaga baxeen deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo aan sidaa uga fogeyn deegaanka Halgan ayaa markii ay isaga baxeen Cidamada Itoobiya la wareegay deegaanka.

Ciidamada Itoobiya ayaa todobaad ka hor isaga baxay deegaanka Ceel Cali oo dhaca galbeedka Gobolka Hiiraan, sidoo kale waxaa ay horay u faarujiyeen degmada Moqokori.

Bishii June ee sanadkan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen deegaanka Halgan, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho badan oo labada dhinac ah.

Deegaanka Halgan ayaa u dhaxeysa degmooyinka Buulo Burde iyo Beledweyn, waxaana ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ay go’doonka hor leh sii gelineysa Buulo Burde oo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews