berberatoday.com
Amnesty International Oo Sheegtay In Dumarka Ku Xidhan Jeelka Gabiley Loo Geysto Tacaddiyo
October 23, 2016 - Written by Berbera Today

Gabiley(Berberatoday.com)-Hay’adda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in Bishii la soo dhaafay ee sanadkan Haween ku xidhan xabsiga Gabiley ay ka cawdeen xad-gudubyo dhinaca Galmada ah oo ay ku jirto Kufsi, Jidh-dil iyo Silcin ay kula kaceen ilaalada xabsiga Gabiley.

Warka Xabsiga GabileyWarbixin ay Hay’adda Amnesty Baahisay 12 bishan Oktoobar ayaa u dhignayd sidan:-

“Bishii la soo dhaafay afar Haween ah oo ku xidhan xabsiga Gabiley ee Somaliland ayaa waxa loo sheegay Amnesty International in lagula kacay tacaddiyo muujinaya Galmo iyo Jidh-dil uu ku jiro Kufsi ay kula kaceen Rag ka shaqaynayey xabsiga xilliga fiidkii ee habeenka ah. Waxa kale oo la soo wariyey in maxaabiistan la jidh diley lana garaacay cuntada iyo biyahana loo diidey, kuwaasoo cunto iyo biyo hela inta u dhaxaysa laba illaa afartii cisho.

Haweenka ayaa isku dayey inay u gudbiyaan cabasho maamulka xabsiga iyagoo ka cabanayey garaacis iyo ciqaab dheeraad ah. Laakiin haweenka xabsiga ilaaliya ayaan gudbin cabashadooda iyagoo ka cabsi qaba in dhibaato ka soo gaadho taasoo dhibaatadii ku sii kordhisay haweenkii maxaabiista ahaa.

Ugu dambeyntii, Noocyada galmada iyo rabshadaha kale ee ka dhanka ah dumarka ayaa waxa mamnuucay dastuurka Somaliland qodobkiisa 24’aad faqradiisa 2’aad, waxa kale oo mamnuucay xeerka caalamigga ah haddaanay jirin duruufo gaar ahi”ayey warbixinta Amnesty soo saartay oo ku qornayd Af Ingiriisi.

Laakiin, Taliyaha Ciidanka asluubta Magaalada  Gabiley oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warka kasoo baxay Hay’adda Xuquuqal Insaanka ee Amnesty International uu yahay warar been abuur ah.

“Wax Dambi ah oo jeelka ka dhacay ma jiraan, waanu yaabanahay waxan la qoray waana been aan sal iyo raad toona lahayn”ayuu yidhi Taliyaha

Taliyuhu waxaa uu warbixinta Amnesty ay soo saartay ku eedeeyay inay ka dambeeyaan niman qaraabo la ah qaar ka mid ah maxaabiis ku xidhan Jeelkaas.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews