berberatoday.com
Garabka Faysal Cali Waraabe Oo Magacaabay Shantii Xubnood Ee Garabkiisa Iyo Faro-gelin Sharci Darro Ahna Ku Sameeyey Shantii Xubnood Ee Garabka Musharax Jamaal+Fadeexadda Ku Dayga Ah Ee U Ku Maroorsaday Shaqadii Guddida Qabanqaabada..
October 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Garabka Xisbiga Ucid ee uu hoghaamiyo Faysal Cali Waraabe ayaa maanta qaaday talaabo, kasoo horjeedda Go”aankii Maxkamdda, isagoo ka dhigaya inay fulinayaan go”aankii Maxkamadda.
Ugu horray Garabka Faysal Waxa uu Magacaabay shantii xubnood ee garabkooda. Hase-yeeshee waxa uu farogelin qaawan ku sameeyey garabkii kale, waxanu sheegay inay soo bedelaan xubin kamid ah shantii xubnood ee uu hore usoo magacaabay garabka kale ee jamaal Cali Xuseen. Taasoo ka dhigan farogelin kasoo horjeeda xukunkii Maxkamadda iyo xadgudub ka dhan ah falintaa, iyadoo aanay qolona qolada kale u yeedhin karin cidda ay magacaabayaan.
Sidoo kale, waxa uu durbaa Faysal Cali waraabe qaaday talaabo kasoo horjeeda shaqadii Guddidan uu magacaabay iyo goaankii Maxkamadda sare, waxaanu ku dhawaaqay, isla markaana Cayimay Maalin uu sheegay inuu dhici doono Shirweynihii aan caadiga ahayn ee Maxkamaddu Xukuuntay. Taasoo ka dhigan maroorsi iyo inqilaab ka dhan ah shaqadii Guddida qabanqaabada ee Labada dhinac soo kala magacaabayeen. kuwasoo markay isku yimaada ku dhawaaqaya maalinta uu shirku dhaca, Goobta uu shirku ka dhaacaayo, kharashka shirka lagu bixinaayo iyo sidoo kale ajandaha shirka oo ay dajinayaan.
Geesta kale, Faysal Cali Waraabe ayaa looga fadhiyaa warqadda uu ku magacaabay shanta xubnood inuu u gudbiyo guddida Diiwaangelinta Ururrada, kuwasoo labada garab iyagu ku dul maamulaya fulinta Xukunkii Maxkamadda.
Halka. Hoose ka daawo.

 Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews