berberatoday.com
Muwaadiniinta Denmark Iyo Jarmalka Ee Hargeysa Ku Sugan Oo Dalka Ka Baxay Iyo Xukuumada Oo Ka Hadashay
October 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Muwaadiniinta dalalka Jarmalka iyo Denmark ee ku sugan caasimadda Hargeysa ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ka baxay dalka, ka dib farriimo deg deg ah oo ay dalalkoodii ka heleen.

 

Muwaadiniintan oo ka hawlgalayay xafiisyo ay dawladaha Jarmalka iyo Denmark Hargeysa ku leeyihiin oo qaabilsan horumarka iyo dimuqraadiyadda, ayaa si kedis ah jimcihii iyo Sabtidii dalka uga baxay. Sidoo kale khabiir u dhashay dalka Denmark oo isna mashruuc la waday jaamacadda Hargeysa ayaa ka mid ah dadka ka baxay caasimadda Hargeysa.

Sababta ay dalka uga baxeen ayaa lagu sheegay digniin amni oo ay wadamadoodu u soo direen, kuna amraysa inay deg deg ah uga baxaan Somaliland.

Hase yeeshee wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo uu xalay wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyay bixitaanka muwaadiniintan reer Yurub, ayaa xaqiijiyay bixitaankooda, wuxuuse meesha ka saaray inay u baxeen sababo amni,  “Intaan ognahay dadkaas aad sheegayso way baxeen, wax amaan daro ah iyo wax dhib ah oo ay la kulmeena ma jirto, codsi ay anaga na siiyeen oo ay yidhaahdeen taas baanu haynaana ma jirto, ilaa iyaga aanu ka helno war rasmiyana anaguna kuma dhawaaqi karno inay sidaas ku baxeen”. sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo uu Geeska Afrika weydiiyay inay  muwaadiniinta reer Yurub ogeysiiyeen Xukuumadda sababta dhabta ah ee ay u baxeen ayaa ku jawaabay “May bixin ee ash-khaas baa tagtay, Xafiiskoodiina may xidhin, meelna may tagin, dadkuna way baxaan weyna soo noqdaan, marka arintaas waanu iska hubsanaynaa”.

Wasiirka mar aanu wax ka weydiinay inuu jiro khabiir u dhashay dalka Denmark oo isna la sheegay inuu baxay una shaqaynayay jaamacada Hargeysa, ayaa ku jawaabay “Isaga iyo kuwa kale oo Jarmaliba way tageen, anagu war rasmiya oo amaan daro ah oo ay noo sheegeen oo ay  arkeen ama aanu ognahay ma jirto”.

Wasiirka mar aanu wax ka weydiinay in Wadamada Jarmalka iyo Dernmark inay la soo xidhiidheen ayaa yidhi “Wax arintaas aan ka odhanaya hadda ma jirto, wax ay nagala soo xidhiidheen oo ay yidhaahdeen nabadgalyo xumo ayaa na haysanaa ma jirto”.

 

 

 

Soure:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews