Siyaasi isku kalsoon oo Cigaal dabaddii Somaliland yeelatay lama hayo: maxa sababay in guddoomiyeyaasha xisbiyadu kooto iskugu xidhaaan musharaxnimadoodda.Qalinkii Barkhadladiif Cumar Hargeysa/Somaliland
Siyaasi isku kalsoon oo Cigaal dabaddii Somaliland yeelatay lama hayo: maxa sababay in guddoomiyeyaasha xisbiyadu kooto iskugu xidhaaan musharaxnimadoodda.
Shayga la yidhaa kalsooniddu waa muhiim, inta badan siyaasiyiinteena waxa lagu tilmaamaa dad aan kalsooni badan lahayn, isla markaana aan jeclayn in lala tartamo, si wal oo ay u hakin karaan in lala tartamaana way sameeyaan, sidaa darteed, marka tusaale loo soo qaadanyo siyaasi isku kalsoon waxa aanay ciddi ku murmeen oo kaalinta kowaad gallaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Cigaal Alla ha u naxariistee.
Cigaal wuxuu jeclaa dimurqaadiyadda iyo in marka uu gallayo doorasho jiraan dad la tartama, waxaanu tusaale usoo qaadaynayaa, 1997kii markii mar labaad la soo dooranayey madaxweyne Cigaal waxay la noqon wayday inuu kaligii isa soo taago oo uu yidhaa aniga dadka u jecel oo ma jiro cid ila tartamaya,iyadoo waliba lagu jiro dagaalo sokeeyo oo wadanku nabadgalyo daro tahay ayuu abuuray madal lagu tartamo oo cid walba u furan, waxaana la sheegaa inuu xiitaa lacag ku bixn jiray in lala tartamo oo uu abuuri jiray siyaasiyiin cusub oo la tartama si uu masraxa u qurxiyo.
2002-kii markii uu xisbiyadda badan ku dhowaaqay ee ciddi ku dhici wayday inay furtaan ee laga baqday wuxuu sameeyey oo uu lacag ka bixiyey siyaasiyiin ururo furto si aanay u eekaan xisbigii kacaanka oo kale, wuu odhan karayey inuu yidha sida siyaasiyiinta imika xisbiyaddeena madaxda ka ah, dadkaygu aniga way u jecel yihiin xisbigayga uun baa loo daayey inuu dalka xukumo, laakiin wuxuu diidanaa inuu caqliyadda dadka caayo, sidaas darteed ayuu doonanayey inuu madal qurux badan oo tartan leh oo loolan ka dhex dhici karo ka dhigo Somalilnad, wakhtigaa raggii siyaasadda ka baxay waxa ka mid ahaa madaxweyne Siilaanyo oo sheegay inuu siyaasaddaba ka nasanayo waayo wuxu ogyahay inuu CIgaal oo isku kalsoon uu hogaamiye dalkan ka yahay, haseyeeshee markii uu geeriyooday Cigaal ayuu markiiba xisbiga kulmiye Furtay oo uu isku qanciyey inuu siyaasiyiinta kale uu isagu ugu khibrad badan yahay marka loo eego waayo aragnimadda, waana ta keentay in xisbiga kulmiye oo ugu da’yaraa uu loolankii xisbiga UDUB cidhiidhi galiyo.
Waxa kale oo xusid mudan in wakhtigaa uu madaxweyne Cigaal ka fikirayey inay Somaliland noqoto dal dimuqraadi ah waxa uu la jaar ahaa dalal aan dimuqraadiyadda iyo tartanku xaaraan ka yahay, isla markaana kaligood uun jeclaa inay wadamadoodda madax ka noqdaan, isagana wax u diidayey ama u maanacayey may jirin, jaarkuna wuu isa saameeyaa, laakiin wuxuu garwaaqsanaa in Somaliland ku iibsamayso dimuqraadiydda, inuu isagu kaligii wax noqdana wuxuu ka jeclaa inuu qarankiisu wax noqdo, siyaasiga lexjecladda lehna waxaa lagu qiimeeyaa talaabooyinka uu qarankiisa ku dhisayo oo ay yar tahay inay fahmaan siyaasiyiin badan.
Waxaanay ka soo sheekaynay sida uu madaxweyne CIgaal u jeclaa dimuqraadiyadda iyo in lala tartamo, bal aynu eegno hadaba siyaasiyiinta imika ina hogaaminaya, wali lama hayo siyaasi ama musharax madaxweyne oo xisbigiisa ka soo dhex tartamay, hadddii wakhtigaasi CIgaal iyaguu ahaan lahaayeen madaxweyne talaabooyinkaasi uu qaaday ee u qaranka ugu hiilinayey may sameeyeen, waayo dee imikay samayn lahaayeen oo ay tusaale u noqon lahaayeen kuwo ka dambeeya.
madaxweyne Daahir Rayaale markii uu musharaxa ka noqonayey xisbigiisa cidi lama tartamin, madaxweyne Siilaanyo markii uu xisbiga guddoomiyaha u ahaa cidi lama tartamin mana doonayn xisbigiisa in lagula dhex tartamo, imika waxa iyaguna musharaxiin ka noqday kulmiye iyo WADANI, Muuse Biixi iyo Cabdi labadoona xisbiyadoodda lagulama dhex tartamin, halka ku xigeenaddoodda ogolaadeen in lagula tartamo.
musharaxiinta xisbiyadda WADANI iyo KUlmiyaba waxay ahayd inta ay leeyihiin waa na loo daayey ama kooto ugu xidhanayaan musharaxnimadad xisbigoodda inay sameeyeen rag waraabo u taag ah oo qurxiya goobta doorashaddu ka dhacayo oo xiitaa lacag ku bixiyaan, waayo quruxdu waxay ku jirtaa waa layla tartamay oo aniga badiyey, laakiin waa la ii daayey iyo aniga la ii gartay sharaf daro iyo kalsooni daro mooyee wax ay taraysa ma jirtaa.
Marka nolosho waa loolan iyo tartan, wax la isku daayey ma jirto ee waxaan usoo jeedinayaa siyaasiyiinta dambe haddii jaanis sidan oo kale helaan oo ay xisbiyaddu samaystaan ugu yaraan cid la tartama oo qurxiya xisbiyadeena, oo xiitaa lacag ay ku bixiyaan dad oo ay yidhaahdaan illa tartan oo doorashaddu macno u yeelato, qof kalana waxay u tahay Cv oo inuu mar uu musharax siyaasi hebel la tartamay wax weyn bay u tahay, marna waxay sharaf iyo magac u tahay mulkiilaha xisbiga oo dadka tusaya kalsoonidda uu isku qabo oo aanu ka baqayn in doorashadda dambe sidaas oo kale u gali karo mar haddii uu ogolaaday inuu xisbigiisa lagula tartamo, laakiin kooto ha la igu xidho iyo xisbigu anigay ii daayeen marna socon mayso, ee siyaasiyiinta dambow ha lagu daydo halyeygii Cigaal ee noloshiisaba ku dhamaystay loolan iyo doorasho, waxa uu doorasho galay oo uu badiyey intii Somaliland dib ula soo noqotay 1993 tartan madaxweyne ayuu gallay oo lala tartamayey, wuu guulaystay, 1997 tartan madaxweyne ayuu galay oo lala tartamay wuu badiyey, markii dambana xisbiyada badan ayuu abuuray isagoo diyaar u ah inuu tartamo ayey tiisii noqotay.
Waxaynu kaga dimquraadiyadda kaga dayaanna Maraykanka oo qaab dhismeedyadeenna xisbiyadeenu waxaynu u eekaysiinay kuwo Maraykanka, dee hadaba xisbiyada Maraykanka qof ma leh oo waxa musharax noqda kii ku soo baxa tartanka xisbiyadda dhexdiisa, taas uun baa loo cumaadaa oo la yidhaa waa musharaxa xisbi hebel, hadaba maaha in dimuqraaadiyadda iyo qaab dhismeedka aynu kaga dayano asxaabta Maraykanka inaynu badhna qaadano badhna ka tagno, ee waa inaynu sideedaba u wada qaadanna oo aanay xisbiyadd qof yeelan, siyaasiga marka gudoomiyaha ka ahina ogolaadaa in lala tartamo si uu fursad u helaan siyaasiyiinta kale.
Guntii iyo gabogabaddii siyaasiyiinta waxaan leeyahay isku kalsoonaada oo xisbiyadda ka daaya kootadda la iskugu xidhayo oo tartan gudihiina ka hirgaliya sidaas ayaa sharaf idiin ah, magac iyo maamuusna ka helaysaa taariikhda dambana lagu faanni doonnaa.