berberatoday.com
Waayihii Nololeed, Heerkii Aqooneed, Doorkii Halgameed & Kaalintii Horumarka Dadka & Dalka Uu Ku Lahaa Marxuum Prof Axmed Cabdi Dacar
October 23, 2016 - Written by Berbera Today

Marxuum Prof Axmed Cabdi Dacar Waxa Maanta Lagu Aasay Xabaalaha Xeedho Ee Waqooyiga Hargeysa, waxaana taariikhdiisa wax ka qoray Mulkiilaha ahna Guddoomiyaha Warbaahinta Himilo Madar Cabdi Axmed  

Marxuum Prof Axmed Cabdi Dacar Oo Maanta Lagu Aasayo Xabaalaha Xeedho Ee Waqooyiga Hargeysa

Hargeysa, 23 Oct, 2016 (Himilo)-Illaahay Naxariistii Janno Ha ugu Deeqee oo iilka neecaw qabaw iyo haku siiyo narruuree, waxa habeen hore gurigiisa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Prof Axmed Cabdi Dacar oo ka mid ahaa aqoonyahanada ruug-cadaaga ah ee reer Somaliland ee sida weyn uga soo qayb qaatay Halgankii, Nabadeyntii, Dhismihii Qaranimada iyo Gooni isu taagii  iyo Horumarka dalka Jamhuuriyada Somaliland.

axmed cabdi dacarMarxuum Prof Axmed Cabdi Dacar Illaahay Naxariistii Jannatul Fardawsa hawgu deeqee, waxa uu u geeriyooday xannuun kadis ah oo kusoo booday oo ka halleelay Wadnaha, sidaasi awgeed ayaa Meydka Marxuumka loo geeyey cusbitaalka guud ee Hargeysa, islamarkaana ilaa haatan loogu keydiyey qaboojiyaha Cusbitaalka, kadib markii ay codsadeen guud ahaan qoyskiisa oo ku kala sugan Waddamada Yurub in lala sugo Jinnaasada Marxuumka si ay uga qayb galaan Aaska Marxuum Prof Axmed Cabdi Dacar oo maanta oo Axad ah lagu aasi doono Xabaalaha Xeedho ee ku yaala duleedka Woqooyi ee Magaalada Hargeysa.

Tacsi

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Geerida kadiska ee naxdinta leh ee ku timid Marxuum Prof Axmed Cabdi Dacar, ayaa guud ahaan ummadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay ka naxeen, islamarkaana illaahay u baryeen inuu Marxuumka jannatul Fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Ehelkii iyo guud ahaan Ummaddii Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiq ah uu ka siiyo. Aamiin.

Tacsi Madaxweyne

 

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Dacar oo ku geeriyooday Hargeysa 21/10/2016, oo aheyd Jimce.

Marxuumku waxa uu door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxaanu door muhiima ku lahaa Aas-aaskii dugsiga tababbarka macalimiinta ee ugu horreeyey Somaliland. waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida Marxuumka Safiirka Somaliland u fadhiga Dalka Belgium oo uu walaalkii ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews